Tirada askarta lagu dilay qarax lagula eegtay duleedka Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kolanyo ay la socdeen ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu waramayaa in Isniinta maanta ah lagu qarxiyey duleedka magaaladda Muqdisho.

Qaraxa oo noociisa lagu sheegay Miino dhulka lagu duugay ayaa cutubyadda kula qaraxday Isbaaradda Siinka Dheer, sidda ay soo wariyeen goobjoogeyaal ka akdhow meesha ay wax ka dhaceen.

"Qaraxa kadib waxaa xigtay rasaas culus. Balse ma cadda hadii ay ahayd iska hor-imaad iyo in kale. Khasaaro waa jiraa laakiin lama xaqiijin karo," ayuu yiri Cabdullaahi Maxamed, goobjooge.

Balse illo dhanka amniga ah ayaa u xaqiijiyey Garowe Online in shan askari ay ku geeriyootay weerarkaas, isla markaana tirro intaas ka badan ay ku dhaawacmeen.

Saraakiisha ammaanka ayaanan wali fahfaahin ka bixin falkaan.

Wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo ay ku taalo Isbaarada Siinka Dheer ayaa loo xiray dhismaha ku socda jidkaas oo hakad ku yimid markii ay weeraro ku beegsatay Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa inta badan dusha saarta mas'uuliyadda dhacdooyinka noocaan ah.

Bishii hore ee Janaayo, dhowr qarax oo lala eegtay ciidamo isugu jira boolis iyo milatari ayaa galaaftay nolosha askar badan, waxaana wali Isbitaalada jiifa tiro kale oo ku jira xaalad soo kabasho ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM