Ciidamo ka wada tirsan kuwa Dowladda oo Afgooye ku dagaalmey

Image

March 25, 2015 (GO)- Ugu yaraan saddex qof oo rayid ahaa ayaa ku dhintey labo kalena way ku dhaawacmen dagaal maanta ciidamo ka wada tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku dhex maray degmada Af-gooye ee gobolka Shabeellada Hoose.

Iska hor imaadka ayaa ka dhacay bar-kantarool oo ku taalla halka lagu magacaabo Baar Ismaaciil, labada ciidan ee dagaalameyna waxay ka kala tirsan yihiin  booliska iyo militeriga.

Lama oga ilaa iyo hadda sababta keentay iska hor imaadkaas, saraakiisha ciidamada iyo maamulka degmaduna ilaa iyo hadda wax war ah kama soo saarin.

Ma ahan markii ugu horreysey ee degmada Af-gooye dagaal ku dhex maro ciidamo ka wada tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Faah faahin dheeri ah oo ku saabsan iska hor imaadka ka dhacay Afgooye wararkeena dambe ayaad kaga bogan doontaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo go'aan adag ka qaatay taageerada amniga Soomaaliya

Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ayaa la sheegay inay wadaan dadaallo lagu raadinayo xal waara oo lagu sii wadi karo hawlgalka.

  • Soomaliya

    18-07-2026

  • 09:33AM

C/kariin Ciidle oo lagu celiyay Mareykanka si uu u wajaho dacwad musuqmaasuq $250 milyan ah

Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in Cabdikariim uu ka baxsaday Mareykanka kaddib markii dacwadaha lagu soo oogay sanadkii 2022.

  • Soomaliya

    17-07-2026

  • 09:13PM