Ciidamo kawada tirsan DFS oo ku dagaalamay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada kawada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka ku dagaalamay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in iska hor-imaad culus uu ciidamada Xasilinta iyo kuwa Nabad Sugida ku dhexmaray Isgooska Sanca ee Muqdisho, kaasi oo ka dhashay khasaarooyin kala duwan.

Iska hor-imaadkan ayaa billowday kadib markii ciidamada Xasilinta ay toogasho ku dileen Labo Askari oo NISA kamid ahaa kadib markii ay diideen inay hubka dhigaan xilli uu socday howlgal amniga lagu sugayo.

Goob-jooge ayaa GO u sheegay in Is rasaaseyn saacado socotay ay labada dhinac goobta ku dhexmartay, iyadoo markii dambe laga awood roonaadey ciidamadii NISA ee ku sugnaa Isgoyska Sanca.

Meydadka labada Askari ee laga dilay NISA ayaa goobta looga dhaqaaqay, iyadoo laga qaatey hubkoodii.

Dhanka kale, iska hor-imaad kale ayaa ciidamo Boolis iyo Military ku dhex-maray xaafadda Siliga Ameerikaanka ee degmada Dharkeenlay, kadib markii ay ku dirireen goobo burburin ka socotay.

Askar katirsan Booliska Soomaaliya ayaa weerar ku qaaday ciidamo militir ah oo degan xaafada siliga Ameerikaanka, oo maamulka degmada uu kawado howlo lagu burburinayo guryo ka dhisan goobo aan sharci ahayn.

Guryaha la burburinayo waxaa la sheegay inay degan yihiin qoysaska Askar iyo Saraakiil katirsan Militariga, kuwaasi oo ka biyo diiday in meesha laga saaro.

Lama oga khasaaraha ka dhashay iska hor-imaadka, balse waxaa goobta gaarey ciidamo kale oo kala dhexgalay kuwa dagaalamayay, iyadoo xaaladda lagu soo celiyay sidoo hore ee deganaanta ah.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Milanka Al-Shabaab ee Ciidanka Qaranka oo Walaac Dhalinaya Kadib Dilalka Taliyeyaal Sare

Khabiirada amniga ayaa si isa soo taraysa uga digaya in Al-Shabaab ay si qoto dheer ugu milantay Ciidanka Qaranka.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 04:26PM

Axmed Madoobe oo Nairobi kula kulmaya Saraakiil ka socota Itoobiya iyo Kenya

Madaxweynaha Jubbaland ayaa booqashadiisa sidoo kale ku saabsan sidii uu ugu raadin lahaa taageero dheeraad ah oo caalami ah.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 12:27PM