Ciidamo ku sugan biyaha Soomaaliya oo howlgal bilaabay

Image

SEOUL, Kuuriyada Koofureed – Ciidamadda la dagaalanka burcad badeeda ee Kuuriyada Koofureed ayaa howlgalo ka bilaabay biyaha u dhow marinka Hormuz Talaadadii si ay uga jawaab-celiyaan xiisada kacdey kadib markii Iran ay qabsatay markab laga leeyahay Kuuriyada Koonfureed, sidda ay warbaahinta maxalliga ah kasoo xigatay saraakiil u hadashay xukuumadda Seoul.

Isniintii, Ciidamadda Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan ayaa qabsaday markabka MT Hankuk Chemi sababo la xiriira wax ay Teheran ku tilmaamtay "wasakheynta deegaanka iyo kiimiko uu sii deynayey markabka".

Markabkan oo ka soo kicitimay dalka Sucuudi Carabiya kuna sii jeeday dalka Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa waxaa saarnaa 20 shaqaale ah oo kala ah shan u dhalatay Kuuriyada Koofureed, 11 Myanmarese, 2 u dhalatay Indonesia iyo laba Vietnamese.

"Cutubyadda Cheonghae waxay tageen biyo u dhow marinka Hormuz Strait galinkii hore ee maanta. Waxay fulinayaan howlo lagu hubinayo amniga muwaadiniinteenna," ayuu afhayeen u hadlay Kuuriyada Koofureed oo lagu magacaabo Boo Seung-chan kaasoo bixiyey warbixin kooban.

Seung-chan ayaa diidey in uu bixiyo tafaasiil dheeraad ah. Warbaahinta maxaliga ah ee South Korea waxay wariyeen in ciidamadda aysan qaadeyn talaabo milari ayna wax kasta ku dhameyn doonan nidaam ku saleysan diblumaasiyad.

Ilaa lix markab oo laga leeyahay Kuuriyada Koonfureed ayaa la ogyahay inay maalin kasta maraan marin biyoodkaas.

"Kuuriyada Koofureed sidoo kale waxay xiriir dhow la lahayd hay'ado caalami ah oo ka shaqeeya biyaha u dhow," sarkaal ayaa intaas ku daray.

Dhaqdhaqaaqa Kuuriyadda Koonfureed ayaa imaanaya xilli Mareykanka uu ugu baaqay Iiraan in ay si deg-deg ah kusoo dayso markabka, waxaana talaabadaas ay ku haysato markabka ku qeexay isku day Tehran ku dooneyso in ay caalamka ugu cadaadiso in laga qaado xayiraadaha Mareykanka.

Ciidamadda la dagaalanka burcad badeeda Kuuriyadda Koonfureed ayaa ka howlgala biyaha Soomaaiya halkaasoo ay ku sugan yihiin tan iyo 2009-kii. Sanadkii lasoo dhaafay waxaa loo kordhiyey muddo xileedkooda oo ku ekaa dhamaadka 2020-kii. Howlgalada ay sameeyaan waxay saameeyaan Gacanka Cadan, Gacanka Cumaan iyo Persian Gulf oo xagaagii lasoo dhaafa xiisad ka taagneyd.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM