Ciidamo lagu daabulay magaalada Beledwayne

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Sabtida maanta ah waxay magaaladda Beledwayne ku daabushay ciidamo ka tirsan booliska sidda gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano Haramcad.

Sidda ay sheegayaan warar horudhac ah, askarta oo tiradooda lagu qiyaasayo ku dhowaad boqol ka tirsan ciidankaas uu Turkiga tababaray ayaa diyaarad looga qaadey magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Fahfaahino kala duwan ayaa kasoo baxaya ujeedada ciidankan loo geeyay Beledwayne oo in ka badan labadii bilood ee lasoo dhaafay ay ka taagneyd xiisad looga soo horjeedo hogaanka cusub ee HirShabelle.

Wararka qaar ee taageersan dowladda federaalka ayaa tibaaxaya in ciidankan la geeyay Beledwayne "si ay u sugaan ammaanka doorasho hal dhinac ah oo maamulka HirShabelle qorsheynayo in uu qabto".

Qabashada doorashada halka dhinac ah waxaa isku raacay madaxda dowladda federaalka iyo maamulada taageersan ee kala ah; Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle.

Go’aankaas ay ku gaareen wadahadalo tan iyo shalay Muqdisho uga socday ayaa yimid markii uu fashilmay dedaalo uu waday madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor] .

Qodobada saldhiga u ah is-mari-waaga coddeynta 2020-21 ayaa kala ah; ciidanka dowladda geysay gobolka Gedo, xulista wakiilada Somaliland iyo guddiyadda lagu muransan ee doorashooyinka.

Warbixinadda kasoo horjeeda dowladda ee laga helayo Beledwayne ayaa xusaya in ciidanka halkaas loogu daabulay si ay u xoojiyaan dedaalada dowlada uga hortageyso "kacdoonka shacabka ee halkaas ka socda".

Ciidanka Haramcad ayaa magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Baydhabo ka fuliyey howlgalo ay dowlada federaalka Soomaaliya kusoo saaratay musharaxiintii ay wadatay kadib doorashooyin lagu murmay oo ka dhacay.

Daneeyeyaasha siyaasadda Soomaaliya ayaa horey uga digay in ciidamadda loo adeegsado dano siyaasadeed, waxaana ay Turkiga ku booriyeen in uu dowladda federaalka ku cadaadiyo in taageeradiisa ay ku wiiqin xasiloonida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM