Ciidamo lagu qarxiyey magaaladda Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax miino ah ayaa Sabtida maanta ah waxaa cutubyo kamid ah milatariga Soomaaliya lagula eegtay wadada Cabdiqaasim ee isku xirta isgoysyada KM4 iyo Tarbuunka ee Muqdisho.

Sidda ay warsidaha Garowe Online u sheegeen goobjoogeyaal telefoonka kula hadlay, ciidanka la qarxiyey ayaa saarnaa gaari noociisu yahay Cabdi Bile. Ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarkaas.

Illaa hataan, ma jirto koox dusha u ridatay mas'uuliyadda falkaas. Balse, dhacdooyinka noocaan ah waxaa looga bartay dagaalameyaasha hubeysan ee Al-Shabaab ee gacansaarka la leh ururka Al-Qaacida.

Bishii hore ee November 27-deeda, 2020, is-miidaamin lagu beegsaday maqaaxida Gelato Divino ee ku taala wadada garoonka diyaaradaha Muqdisho halkaasoo ay ku naf-waayeen sideed dhalinyaro ahaa.

Al-Shabaab ayaa dusha saaratay weerarkaas. Taliska Booliska Soomaaliya wuxuu saxaafadda u sheegay in dhaawacyadda qaraxaas ay gaartey in ka badan 10 badankooda ah dad shacab ah.

Falalka liddiga ku ah nabad-gelyadda ayaa kusoo badanaya Muqdisho iyadda oo is-mari-waa uu ka taagan yahay habraaca guddiyadda doorashooyinka gaar ahaan xubnaha kamid noqonaya.

Murashaxiinta ayaa ku eedeeyay Villa Soomaaliya in ay ku dartay xubno dhankeeda u jaranjeera, wallow eedaas ay diidey dowladda. Jadwalka ay ku heshiiyeen dowlada iyo maamuladda waxaa ku yimid dib-u-dhac.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM