Ciidamo Maraykan ah oo duqayn ka gaystay Shabeellah Hoose

Image

DUGULLE, Somalia- Ciidamo Mareykan ah iyo Kumaandoos-ta Somalia, ayaa weerar qorsheysan ka fuliyay Saldhig Al shabaab ay leeyihiin oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose. 

Ciidamada oo adeegsanaya Diyaaradaha Helicopters-ka ayaa Duqeyn cirka ah ka geestay deegaanka Dugulle, oo ku dhawaad 50Km dhanka waqooyi uga beegan Degmada Qoryooley. 

Weerarka kadib, ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kumaandooska Soomaaliya ayaa ka daatey Diyaaradaha, waxaana ay Dagaalka dhulka ah A Shabaab kula galeen duleedka Dugulle, sida dadka deegaanka u xaqiijiyeen Garowe Online. 

Inta la ogyahay 6 Dagaalyahan oo kamid ah Kooxda Al Shabaab ayaa lagu dilay Weerarka deegaanka Dugulle, waxaana wali la ogeyn Khasaaraha ciidamada Mareykanka iyo Kumaandooska Soomaaliya. 

Al Shabaab kama aysan hadlin weerarka Dugulle.

Militariga Mareykanka oo Saldhigyo Qarsoodi ah ku leh goobo kala duwan oo Muqdishu, Balli-Doogle iyo Kismaayo ay kamid yihiin ayaa inta badan ka fuliya Koonfurta iyo bartamaha Somalia weerar cirka ah oo ka dhan ah Kooxda Al shabaab.

Askar Mareykanka ah oo tiradooda lagu qiyaasay 200  ilaa 300 oo Askari ayaa ka howlgala dalka Somalia, waxaana Xukuumada Washington sheegtay in Askartaasi yihiin La-taliyaal gacan siinaya AMISOM iyo SNA.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM