Ciidamo xoog kula wareegay Hoolka Shirka Jowhar

Image

JOWHAR, Somalia - Ciidamo daacad u ah Musharaxa madaxweyne ku-xigeenka maamulka Hir-Shabeelle Cali Xassan Taakoow, ayaa maanta uu Jimco ah si xoog ah kula wareegay xarunta Shirka Jowhar.

Wararka Warsidaha GO uu ka helay Ilo-wareedyo ku sugan Jowhar, ayaa sheegaya in ciidamada oo aad u hubaysan gudaha u geleen Hoolka Shirka, kadibna kala ceyriyeen Xildhibaanada iyo mas'uuliyiin kala. Cali Xassan Taakoow, oo xarunta Shirka Shir Jaraa'id ugu qabtay Warfidiyeenka, ayaa sheegay in musuq-maasuq ka jiro Hanaanka maamul samaynta, sidaasi darteedna uu go'aansaday inuu joojiyo. 

"Waxa meesha ka socdo ma ahan maamul cadaalad iyo sinaan lagu dhisayo, musharaxiin qaar ayaa loo diiday inay u tartamaaan Kuraasta hogaanka sare," ayuu yiri Cali Xasan Taakow.  

Cali Xasan Taakow ayaa ku eedeeyay Madaxda sare, ee dowladda federaalka Somalia, ee uu waqtiga ka dhacay inay afduubtay Shirka, islamarkaana ay Muqdishu ka keensatay Musharaxiin maqaar saar ah.  

Musharax Taakow wuxuu kaloo sheegay in Shirka uusan dib u furmi doonin illaa laga saxayo qaladaadka jira iyo Musuq-maasuqa lagu samaynayo doorashada Hogaanka Hir-Shabeelle oo lagu waday inay Beri oo Sabti ah dhacdo.  

Tan iyo markii uu furmay Shirka Jowhar horaantii sanadkan, waxaa la degay  Khilaaf iyo isqab-qabsi ka dhex-jira madaxda dowladda Somalia u xilsaartay dhisamaha maamulka iyo Odayaasha dhaqanka ee mataya Beelaha Hiiraan iyo Shabeelle Dhexe. 

Waxaa wararka dambe sheegayaan in Waan Waan socoto lagaga saarayo ciidamadaas Hoolka

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay kulan Gollaha Mustaqbalka

Madaxtooyadu waxay sheegtay in ajendaha kulanka uu ku saleysan yahay dardargelinta geeddi-socodka dowlad-dhiska.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 08:07PM

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM