Ciidan ku kacay "fal sumcad dil ku ah" booliska Soomaaliya oo la xiray

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya oo lacago baad ah qaatay ayaa xabsi loo taxaabay, sidda uu warbaahinta maxaliga ah u sheegay afhayeenka taliska Sadiiq Aadan Cali.

Afhayeenka oo xusay in xubnahaas ay laaluushkaas ka qaateen mid kamid ah kontaroolada caasimada Muqdisho ayaanan kala caddeyn hadii eedeysaneyaasha ay isugu jira askar iyo saraakiil sarre.

Intii uu ku guda jiray shir jaraa'id oo uu kaga dhawaajiyey arrintaas, Sadiiq oo aan shaacin tiradooda ayaa wuxuu carabka ku dhuftay in ay ciidankaas dhowaan kasoo muuqan doonan maxkamad.

Talaabadda xariga ah ayuu ka shanqariyey in ay ka dambeysay kadib markii ay isa soo tartay cabashadda dhanka shacabka.

“Waxaa jirtay xubno ka tirsan booliska Soomaaliya oo bar ka tirsan kontaroolada Muqdisho oo ku kacay fal laaluush ah oo anshax darro ah iyo sumcad dil ku ah qayimka iyo sharafta ciidanka. Ciidankii ashtako ay shacabka Soomaaliyeed noosoo gudbiyeen dabagal iyo baaritaan kadib, waxaan gacanta kusoo dhignay ciidankii haddana way xiran yihiin, iyagoo eedeysaneyaal ah, waxaana ay mari doonan waxyaabaha ay shuruucda dalka ka qabaan falkaas ay ku kaceen," ayuu afhayeenka u sheegay war-fidiyeenka.

Qaar kamid ah waddooyinka muhiimka ah ee magaala madaxda waxaa wax u muuqda "jidgooyo la casriyeeyay" oo ay lacago ku qaadaan ciidamo isku sheegaya in ay ka socdaan Dowladda Hoose.

Lacagaha ayay ka qaadaan gaadiidka dadweynaha, mootooyinka iyo baabuurta raaxadda. Mid kamid ah meelaha ugu caansan oo ay taalo waxaa kamid ah jidka 14-ka October oo aada Dekada Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM