Ciidan laga keenay Gedo oo lagu daadiyey afaafka Villa Somalia

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamo isugu jira Haramacad, Nabad Sugid iyo kuwa hada Gedo laga keenay oo Duufaan la yiraahdo ayaa Arbacada maanta ah lagu daadiyay Madaxtooyada Soomaaliya iyo agagaarkeeda, sidda Garowe Online u sheegeen illo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Sidda ay xoguhu caddeynayaan, goobaha ciidamadaas la dhigay ayaa waxaa ka mid ah irdaha laga galo Madaxtooyada sida Sayidka, Ceelgaab iyo Tiyaatarka Qaranka.

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka oo u gudbay xarunta Aqalka Hoose ayaa GO u sheegay in askarta ay ku hubaysanyihiin 40-tameeyo gaadiidka gaashaaman ah.

"Waxaa kale oo ciidamaas la geeyay albaabka laga galo Villa Hargeysa oo ay ku taalo xarunta Golaha Shacabka," ayuu yiri mid kamid ah ciidmadaas oo sababo jira awadeed uga gaabsaday magaciisa.

Mudaneyaasha ayaa intaas ku daray in hoolka shirar Golaha Shacabka ay ku sugan yihiin ciidamada dharcadka ah ee loo yaqaano "Ilaalada Shacabka" oo ah unug ka tirsan Hay'adda Nabad-sugida iyo sirdoonka Qaranka.

Dhaqdhaqaaqan ciidan ayaa kusoo hagaagaya xilli maanta lagu waddo in Aqalka Hoose yeesho kulan aad isha loogu haayo maadaama mucaaradka uu shaaca ka dhigay in uu jiro "ajande qarsoodi ah kaasoo ah muddo kordhin loo sameeyo madaxweynaha iyo baarlamaanka".

Golaha Badbaado Qaran oo ay ku mideysan yihiin Puntland, Jubaland, Musharaxiinta iyo Isbaheysiga Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi iyo Beesha Caalamka ayaa si cad u sheegtay in aysan taageeri doonin muddo kordhin iyo doorashooyin hal dhinac ah, kuna adkeystay qabashada doorasho iyo wadahadalo loo-dhan-yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM