Ciidanka DF geysay Gedo oo bilaabay in ay hubka "ka iibsadaan" Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Qaar kamid ah askarta ay Dowladda Soomaaliya ku daad-gureysay magaalooyinka gobolka Gedo ayaa bilaabay in ay ka baxaan furimaha dagaalka, sidda uu shaaca ka qaadey sharci-dejiye.

Ciidanka, oo ah kuwa uu si gaar ah u tababaray Turkiga isla markaana ay qalabeysay Qadar, ayaa waxay la wareegeen gacan ku haynta Doolow, Luuq iyo qayb kamid ah Beledxaawo.

Jubaland, oo xiriirka kala dhaxeeya Villa Soomaaliya uusan fiicaneyn, ayaa talaabadaas ku tilmaamtay "duulaan lagu soo qaadey".

Maxamed Idiris, xubin ka tirsan Aqalka Hoose ee baarlamaanka federaalka, ayaa aaminsan "in ciidanka been loo sheegay".

Askarta ayuu ku sifeeyay "dhalinyaro la marin-habaabiyey oo qaarkood la yiri waxaa la idin qaadayaa Qadar, waxaad waardiyeyneysaa Koobka Aduunka ee ka dhacaya Qadar, oo laga dejiyey Luuq iyo Doolow".

Mudanaha ayaa tibaaxay: "Qaarkood, sidda la sheegayo, waxay hubkii ka gateen Al-Shabaab, qaarkood hubkii ka gateen meelo kale, qaarkood ay Kenya u tahriibeen, waana wax aanan la qaadan karin".

"Cunaqabateynta"

Mudanaha oo wariyeyaasha kula hadlay Muqdisho ayaa aad u dhaliilay xayiradda dhanka hawada ah oo ay dowladda Soomaaliya saartay degaanadda dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland.

Isagoo soo xiganaya Dastuurka, Mr Idiris ayaa talaabadaas u aqoonsaday "faquuq lagu sameeyey shacabka, maadaama xukuumadda si ola-kac ah ay u sameysay".

Madaxda ugu sareysa ee dowladda federaalka ayuu ku eedeeyeen in ay "ag-mareen" dastuurka ku meel gaarka ah ee waddanka u yaala.

"Madaxweyne Farmaajo waajibaadkiisa sidduu u cad yahay ayey xaqa muwaadiniinta Soomaaliyeed u cad-yahay, maalinteeda ayaana lagula xisaabtamayaa yuusan u qaadan sidday hadda u dhacayaan in ay u socon doonan, waqtigana waa kooban yahay," ayuu xusay.

Ugu dambeyntii, beesha caalamka ayuu cod dheer kaga dalbaday in ay si dhow ula socoto dhaqdhaqaaqyadda Nabad iyo Nolol iyo goobaha ay u adeegsaneyso ciidamadda loo tababaray tirtirka maleeyshiyaadka Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo isku keenay xulafadiisa Baydhabo xilli loolan adag loogu jiro hoggaanka Koonfur Galbeed

Dadaalladan isku xirka ah ayaa lagu soo beegay xilli la shaaciyay in doorasho qof iyo cod ah ay magaalada ka dhici doonto 28-ka April.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 10:48AM

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM