Ciidanka DF iyo kuwa Kenya oo ku dagaalamay Gedo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Iska hor'imaad u dhaxeeya Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa Kenya ayaa saakay ka dhacay inta u dhaxaysay Beled-Xaawo oo katirsan gobolka Gedo iyo degmada Mandheere.

Isku-dhaca ayaa yimid kadib markii Ciidanka Kenya ay rasaas ku fureen dad shacab ah oo banaanbax ka dhigayay xuduuda labada dal, iyagoo ka caraysa afduub iyo dil loo geystay dad shacab ah.

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa rasaas ugu jawaabey kuwa Kenya markii ay shacabka tacshiidda ku fureen, waxaana sidaasi ku billowday iska-hor'maadka dhacay saakay, kaasoo la sheegay inuu geystay khasaarooyin kala duwan.

"Shacabka ku dhaqan magaaladda Beled-Xaawo ayaa maanta dhigay banaanbax ay uga soo horjeedaan Ciidamada Kenya ee ka howlgala Soomaaliya, kuwaasi oo lagu eedeeyay dil iyo afduub ay u geysteen dad badan oo rayid ah oo ku sugnaa degaanka Yado," ayuu yiri goobjooge la hadlay Garowe Online.

Meydka qof kamid ah saddex ruux oo Ciidanka Kenya maalmo kahor ka afduubeen degaanka Yado ayaa lagu soo tuurey magaaladda Ceel-Waaq, waxaana arintaasi dhalisay carro dadweyne iyo dibadbax ka socda degaanka xuduuda ku yaalla.

Dibadbaxayaasha ayaa ku tilmaamey Ciidamada Kenya ee ku sugan gobolka Gedo inay yihiin cadow, waxayna ka codsadeen dowladda Federaalka in la geeyo magaalada boolis, si looga ilaaliyo amniga muwaadiniinta. Waxay sidoo kale dalbadeen in cadaalad ay helaan dhibanayaasha.

Saraakiisha gobolka Gedo ayaa ku howlan joojinta rabashada socda, iyadoo dhinaca Militeriga Kenya kala shaqeynaya sidii loo sii deyn lahaa dadka maqan, oo la rumeysan yahay inay xabsi ku jiraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cabdirisaaq Khaliif: Firdhiye wuxuu katirsan yahay xisbiga Xasan Sheikh, DFS ayaana dhisaysa

Cabdirisaaq ayaa si xooggan u beeniyay warar sheegaya in ololihiisa doorashada uu ka helayo taageero maamulada Somaliland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    28-08-2025

  • 08:28AM

Ciidanka Soomaaliya oo La Wareegay Deegaano Muhiim ah oo Ka Tirsan Shabeellaha Hoose

Ciidamada ayaa sidoo kale nadiifiyay qaraxyo dhulka lagu aasay (miinooyin iyo waxyaabaha qarxa ee Al-Shabaab ay dhigeen).

  • Soomaliya

    28-08-2025

  • 05:18AM