Ciidanka DF oo weeraray maleyshiyaad dagaalamay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ciidamadda dowladda Soomaaliya gaar ahaan booliska Haramcad iyo milatariga ayaa xalay howlgal qorsheysan ku qaadey xaafado ka tirsan degmada Kaaraan ee Muqdisho.

Sidda ay wararku sheegayaan, howlgalka waxaa la doonayey in lagu soo qabtay isla markaana hubka looga dhigo ciidamo ka tirsan dowladda balse la sheegay in ay qaab beeleed u abaabulnaayeen.

Maleyshiyada dagaalantay ayaa lagu waramay in ay kala taageerayeen saraakiil ciidan kuwaasoo isku haysta dhul.

Warbixinadda ayaa intaas ku daraya in howlgalka ay qaadeen ciidamadda dowladda uu natiijo la’aan kusoo dhamaadey ka gedala markii xogtooda ay gaartay maleyshiyadda kuwaasoo baxsaday.

“Ciidanka dowladda oo ku watay gaadiidka gaashaaman ee dagaalka waxay hareeyeen guud ahaan xaafadda dagaalku ka dhacay. Balse maleyshiyada oo xogta heshay waxay ka duseen aag kale oo ciidamadda aysan joogin,” ayuu yiri qof kamid ah dadka degaanka oo GO u waramay.

Maxamednuur Cali ayaa hadalkiisa ku daray: “Ciidamadda dowladda waxay kasoo dageen Meesha ayaga oo aan gaarin hadafkooda”.

Inta la xaqiijiyey tobban qof ayaa ku geeriyootay dagaalka dhexmaray dhinacyadda hubeysan – oo ay ku jiraan caruur iyo haween. Dhaawacyadda waxaa lagu waramay in ay intaas kasii badan yihiin.

Dagaalkan ayaa kusoo hagaagay iyadda oo dhowaan Kaaraan ay kamid ahayd degmooyinka ay ka dhaceen mudaaharaadyadda maamulka madaxweyne Farmaajo looga dalbanayo doorashooyin xor iyo xalaal ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM