Ciidanka dowladda iyo Shabaab oo ku dagaalamay gobolka Gedo

Image

18 Octobar, 2015(GO)-Dagaal maanta ka dhacay gobolka Gedo, ayaa sababay dhimashada lix ruux oo ka kala tirsan dhinacyo ku dagaalamaday Deegaanka Masalle-Adduun oo dhowr iyo laabtan KM u jira magaalada Garbahaarrey ee xarunta gobolka Gedo.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyay ciidamo ka tirsan dowladda Somalia iyo ururka Al-Shabaab oo deegaankaasi ka waday xoolo uruurin.

Guddoomiyaha gobolka Gedo ee dhowaan soo magacaabay maamulka Jubbaland  Axmed Buule Maxamed (Canjeex)  ayaa VOA-da u sheegay in weerar ay qaadeen ciidamada dowladda Somalia kula soo wareegeen xoolo laga soo kaxaystay dadka deegaanka.

Labo ka tirsan ciidanka dowladda ayaa dagaalka ku dhintay, waxaana kamid ah sarkaalkii hogaaminayay ciidamada weerarka qaaday, halka uu dhaawacmay hal askari.

Canjeex ayaa xusay in dib loogu celin doono dadka deegaanka xoolahaasi.

Dhinaca kale, warar madax banaan ayaa sheegaya in afar ka mid ciidanka dowladda lagu dilay weerar gaadmo ah oo ay fuliyeen kooxda Al-Shabaab.

Ciidanka la weeraray ayaa ku socda deegaanka Masalle-Adduun oo markii hore dirirtu ka dhacday.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM