Ciidanka dowladda oo sarkaal ku dilay magalada Beledweyne

Image

15 November, 2015(GO)-Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Somalia ayaa magalada Beledweyne xarunta gobolka Hiiraan ku toogtay sarkaal ka tirsanaa shaqaalaha Qarmada Midoobay oo la shaqaynayay hay’ad lagu magacaabo United Nation Mine Action Service(UNMAS).

Sarkaalkan ayaa madax ka ahaa hay’addan qaybteeda Baladweyne, waxaana lagu magacaabi jiray Mahdi Xuseen Shiikhaal.

Lama garanayo sababta ciidanka dowladda Federaalka Somalia shakhsigaasi u toogteen, mana jirto cid ka tirsan dowladda iyo maamulka gobolka Hiiraan oo ka hadashay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM