Ciidanka dowladda Soomaaliya oo dilay in Ka badan 40 Xubnood oo ka Tirsan Al-Shabaab

Image

JOWHAR, Soomaaliya - Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa shaaciyey in ay fuliyeen howlgal ay la gaashadeen saaxiibadooda caalamiga ah kaasoo ay dileen in ka badan 40 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

"Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa ku guuleystay in ay dileen in ka badan 40 dagaalyahan oo Al-Shabaab ah, kadib howlgallo ay ka sameeyeen degaanka Biya Kadde ee gobolka Hirshabeelle Axaddii," ayaa lagu yiri warbixinta warbaahinta dowladda baahisay.

Kooxda Al-Shabaab oo fadhigeedu yahay Soomaaliya, ayaa xiriir dhow la leh Al-Qaeda, waxayna ku jirtaa dagaal hubaysan oo ka dhan ah dowlada federaalka Soomaaliya, iyadoo sidoo kale caqabad ku ah howlaha samafalka ee Qaramada Midoobay.

Dowlada Maraykanka ayaa sidoo kale si joogto ah weeraro uga fulisa meelo ka mid ah Soomaaliya, si ay u baabi'iyaan goobaha Al-Shabaab ay ku leeyihiin.

AFRICOM ayaa sheegtay in duqeyn ka fulisay meel ku dhaw Ceel-Baraf ay ku dileen xubno Al-Shabaab kamid ah, iyadoo howlgalka uu yimid kadib codsi ay ka heleen dowladda oo ah in la taageero Ciidankeeda oo weeraro lagu soo qaaday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM