Ciidanka Kenya oo lagu weeraray duleedka Afmadow

Image

AFMADOW, Somalia - Dagaalyahanada Ururka Al shabaab ayaa weerar gaadmo ah waxay ku qaadeen maanta oo Jimco ah Kolonyo military oo ay wateen ciidanka Kenya, xilli ay marayeen duleedka degmada Afmdow.

Wararka aan ka helayno Ilo-wareedyo ku sugan Afmadow ayaa GO u xaqiijiyey in ciidanka Kenya lagu qaadey weerarka, xilli ay kasoo baxeen saldhigooda deegaanka Qalley, kuna sii jeedeen degmada Afmadow. 

Ciidamada Kenya ayaa la sheegay inay iska-caabiyeen weerarka, kadib dagaal qaatey mudo saacado ah kaasi oo sababay khasaaro gaarey labada dhinac, walow aan la ogeyn inta uu la egyahay khasaaraha. 

Deegaanka uu weerarka ka dhacay ee Qalley, wuxuu qiyaastii 18Km dhanka woqooyi uga beegan magaalada Afmadow, ee gobolka Jubbada hoose.

Warbaahinta ku hadasho afka Al shabaab ayaa sheegtey in dagaalka iyo weerarkii ka horeeyay Labo gaari looga gubay ciidamada Kenya, ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa ee AMISOM. 

Wali ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka AMISOM, oo ku saabsan weerarka ka dhacay duleedka Afmadow. 

Al shabaab ayaa mudooyinkan xoojiyay weeraradooda ka dhanka ah ciidanka dowladda Somalia iyagoo dib u qabsadey degaano ku yaal gobolka Hiraan iyo Bakool kadib markii ciidamada Ethiopia ka baxeen.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Soomaaliya: Xamse oo Difaacay Shirka Muqdisho Inkastoo la Qadaacay

Xamse Barre, oo ah madaxa xukuumadda, ayaa ku adkeystay muhiimadda dhameystirka dastuurka kumeelgaarka ah.

  • Soomaliya

    18-06-2025

  • 12:58PM

Kalsoonida Beesha Caalamka ee Villa Somalia oo Meel Xun Maraysa

Beesha caalamku waxay maalin kasta ka cabanayaan Xasan Sheekh. Waxay leeyihiin wuu naga khasaaray, hadda waan ka guureynaa.

  • Soomaliya

    17-06-2025

  • 09:21AM