Ciidanka oo guulo ka sheegtay duqeyn ka dhan ah AlShabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliska ciidamadda Soomaaliya ayaa guulo ka sheegtay howlgal iyo duqeymo uu tibaaxay in lala beegsaday fariisimo ay maleyshiyadda Al-Shabaab ku leedahay gobolka Jubada Hoose ee maamulka Jubaland.

War qoraal ah oo kasoo baxay taliska ayaa lagu sheegay in weerarkaas dhanka cirka oo ka dhacay degaanka Buurta-kuubmo oo 22 KM u jira Jamaame lagu dilay 15 dagaalame oo ka tirsanaa xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacidda.

Sidda ku xusan bayaankan ay baahisay warbaahinta ku hadasha afka ciidamadda, waxaa duqeynta lagu burburiyey xarumo tababaro oo Al-Shabaab lahayd.

"Horjoogeyaal ayaa kamid ah xubnaha lagu laayey duqeynta," ayaa la raaciyey war-saxaafadeedka oo aan lagu soo bandhigin magacyadda xubnahaas.

Marka laga soo tago sheegashadda ciidamadda Soomaaliya, ma jiraan illo wareedyo madax-banaan oo xaqiijinaya fahfaahinta ay ka bixiyeen duqeynta.

Dhanka kale, dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaan wali wax war ah kasoo saarin duqeyntaas oo talisku tibaaxay in shalay fuliyeen diyaaradaha Mareykanka.

Mareykanka ayaa horaantii sanadkan 2020 wuxuu hoos-u-dhigay tiradda ciidamadda Mareykanka ee ka joogay Soomaaliya, wuxuuna u wareejiyay wadamadda Kenya iyo Jabuuti halkaasoo howlgalada dhanka cirka ah ay kasoo qaadayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo ka digay firaaq dastuuri ah haddii aan heshiis laga gaarin doorashooyinka Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale sheegay in tallaabooyinka xiga ee Puntland ay ku xirnaan doonaan dareenka shacabka.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 05:09AM

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM