Qaabka ay Al-Shabaab sirta ciidanka uga hesho baraha bulshada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Saraakiisha ciidanka Soomaaliya xilliga ay ka warbixinayaan howlgalada ee wariyeyaashu waydiiyaan goorta iyo goobta xigta ee ay kusii jeedaa waxay ku jawaabaan "waa sir milatari lama shaaciyo".

Dabcan waa xaqiiqo, xogta ciidanka, hubka uu haysto, xeeladiisa dagaal, tababarka uu qaato iyo khariirada uu ku dagaal gelayo dhamaan looma soo bandhigo si furan, waana wax ay dunida oo idil ka siman tahay.

Sababta sidaas loo sameynayo waa in cadowga aad kusii jeedo uusan helin macluumaadkaaga, si uusan kuugu sii diyaar-garoobin ama kuu dhabar-jebin.

Isbedelka ku yimid isgaarsiinta iyo qaab xiriireedka caalamka ayaa saameeyay dhinacyo kala duwan oo nolosha bini'aadamka oo ciidanka ku jiro. Balse, dalka walba milatarigiisa waxaa xakameeyo anshaxa iyo shuruuda u degan.

Soomaaliya oo kamid ah wadamada caalamka ee sidda weyn loogu isticmaalo baraha bulshada gaar ahaan mareegaha Facebook ayaa muuqaneysa in ay ku milmeen ciidamadda si gaar ah kuwa loo yaqaano kumaandooska.

Askarta Soomaaliya ee badi kasoo muuqata baraha bulshadda waxay ka tirsan yihiin guutooyinka Haramcad iyo Gorgor oo Turkiga uu tababarka siiyo.

Iyagoo ah dhalinyaro xamaasadeysan, inta ay ka dhex-hadlayaan muuqaaladda waxay bixiyaan sirta ciidamadda, mana cadda hadii ay ku talagal tahay.

Kadib dabagal dheer, mid kamid ah muuqaaladda uu xaqiijiyey Garowe Online waxaa kasoo muuqanaya askari magaciisa ku sheegay Ismaaciil Xasan Ducaale isla markaana xaqiijiyey in uu ka tirsan yahay guutadda Gorgor.

Ducaale oo ay ku wehliyaan saddex kale oo mid uu telefoon kaga duubayo muuqaalka ayaa tix Gabay ay ugu hanjabay maleeyshiyaadka Al-Shabaab.

Balse, gabagabadda muuqaalka wuxuu ka dhawaajinayaa in ay duulaan ku yihiin Jilib iyo Jamaame; tani waxay "cadowga" u ogolaneysaa in uu heegan sii galo.

Isticmaalka baraha bulshadda ee Ciidanka Soomaaliya ayaa xoogeystay markii ay xafiiska timid dowladda Farmaajo oo loo garan og-yahay Nabad iyo Nolol ama "xukuumaddii baraha bulshadda" maadaama oo diirada saarto.

Xafiisyadda madaxweyne Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa leh qaybo kaliya ka shaqeeya arrimaha baraha bulshadda oo lagu bixiyo Miisaaniyad gaar ah.

Waaxyahaas ayaa sidoo kale waxay maalgeliyaan dayaacadaha ka dhan ah shaqsiyaadka aragti ahaan ka duwan dowladda federaalka gaar ahaan siyaasiyiinta.

Soomaaliya ayaa la-ka-caakufeysa la dagaalanka argagixisada Al-Shabaab iyo Daacish oo ku dhuumaaleysta degaanada Puntland, waxaana kororka muuqda ee ciidanka ku milmilmay baraha bulshadda ay wiiqeysaa in la ciribtiro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Jeyte oo ceeb ku tilmaamay hadalka Axmed Maclin Fiqi

Nuur Cabdi Rooble (Nuunuule), Caddaw iyo Macallin Cumar ayuu sheegay Wasiirka difaaca DF Axmed Maclin Fiqi in lagu dilay howlgalka.

  • Soomaliya

    08-06-2025

  • 12:28PM

Ciidamada Puntland oo hawlgal ballaaran ka fulinaya godadka Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada Puntland ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku guuleystay inay yareeyaan saamaynta iyo firfircoonida kooxda ISIS.

  • Soomaliya

    08-06-2025

  • 11:06AM