Ciidanka Soomaaliya oo "dilay" 24 xubno Al-Shabaab ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ugu yaraan 24 kamid ah maleyshiyadda Al-Shabaab ayaa Axadii lagu dilay howlgal ay ciidamadda dowladda federaalka ah ka fuliyeen degaanadda Galmudug, sidda uu shaaciyey mas'uul sarre.

Axmed Macalin Fiqi, wasiirka amniga Galmudug oo u waramay warbaahinta, ayaa tibaaxay in ay fashiliyeen isku day Al-Shabaab ku doonayeen in ay kula wareegaan degaanka Bacaadweyn ee dhaca gobolka Mudug.

"Waxaan fashilinay isku-day ay mitidiinta ku doonayeen in ay ku qabsadaan magaaladda, waxaana ka dilnay 24 ayaga kamid ah, waxaana kasoo furanay hub," ayuu Fiqi ku yiri wareysiga uu saxaafada siiyey.

Wasiirka ayaa xaqiijiyey in uu jiro khasaaro soo gaarey ciidamadda iyo dadka degaanka, wallow uusan tafaasiil dheeriya bixin.

Wasaaradda ammaanka gudaha Galmudug ayaa qoraal ay soo saartay waxay ku xustey in wasiirka uu u hambalyeeyay ciidamadda.

"Ciidamada Qalabka sida, kuwa amniga Galmudug iyo ciidamada deegaanka Bacaadweyn ayaa galabtay weeraray saldhigyada kooxda Argagixisada Alshabaab ay ka samaysteen agagaarka magaalada Camaara," ayaa lagu yiri.

Bayaanka ayaa waxaa la raaciyey: "Ciidamada Galmudug ayaa la wareegay saldhigii kooxda khwaarijta, ayadoo argagixisadu halkaas ay kala guddoomeen dhimasho badan iyo dhaawac".

"Wasiirka Amniga Galmudug oo jiidda hore ee dagaalka ku sugan ayaa ugu hambalyeeyey ciidamada amniga guusha ay dagaalkii galabtay ka soo hooyeen, asagoo bogaadiyey kaalinta geesinimada leh ee dadka reeer Bacaadweyn ay muujiyeen," ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka.

Al-Shabaab ayaa weeraro ay ku beegsaneyso ciidamadda amaniga, saaxiibada caalamiga ah iyo shacabka waxay ka wadaa koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya tan iyo markii Muqdisho laga saarey bishii August, 2011-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ku adkeystay hirgelinta doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo codka ah

Si kastaba, inta badan odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu dib u eego mowqifkiisa.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 01:16PM

Maxay tahay sababta dib loogu dhigay Doorashada Koonfur Galbeed?

Sida ku cad bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay guddiga, maalinta cod-bixinta ee guud ahaan Koonfur Galbeed ayaa loo weeciyay 10-ka May, 2026.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 12:40PM