Ciidanka Soomaaliya oo "dilay" xubno Al-Shabaab ah

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Ciidamadda Soomaaliya ayaa guulo ka sheegtay howlgal ka dhan ah Al-Shabaab oo Jimcadii ay ka fuliyeen duleedka magaaladda Diinsoor ee gobolka Baay oo hoostaga maamulka Koonfur Galbeed.

Howlgalkaas waxaa si wadajir ah u fuliyey milatariga Soomaaliya iyo ciidamadda sidda gaarka ah u tababaran ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Ibraahim Aadan Cali, taliyaha ciidamadda xoogga Soomaaliyeed ee Diinsoor, ayaa shaaciyey in howlgalka ay ku beegsadeen xero maleyshiyada lahayd halkaas oo uu tibaaxay in ay ku maleegayeen howlgal ka dhan ah ciidanka dowladda.

Sidda laga soo xigtay sarkaalka, howlgalkaas waxaa ka dhashay iska-hor-imaad sababay khasaaro kala duwan – soona gaarey labada dhinac.

"Waxaa jira iska-hor-imaad xoogan oo dhexmaray ciidamada iyo mitidiinta, balse waxaanu ka awood-roonaanay waxaana ka dilnay shan dagaalame oo ay ku jiraan laba horjoogeyaal," ayuu hadalkiisa ku daray taliye Ibraahim.

Mr Ibraahim ayaa intaas ku daray in ay ku raadjoogaan maleyshiyo kale kana tirsan Al-Sabaab kuwaas oo uu tilmaamay in ay baxsadeen.

Taliyaha oo aan soo hadal-qaadin khasaaraha dhankooda soo gaarey ayaa sidoo kale wuxuusan soo bandhigin caddeymo xoojinaya sheegashadiisa. Dhanka kale, ma jiro war ay Al-Shabaab kasoo saartey howlgalkaas.

Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya waxaa muddooyinkii u dambeeyay ka dhacayey dagaalo u dhaxeeyay dowladda iyo Al-Shabaab ah – oo tan iyo 2011 ka dagaalameysa gobolada markii laga saarey magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ku adkeystay hirgelinta doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo codka ah

Si kastaba, inta badan odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu dib u eego mowqifkiisa.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 01:16PM

Maxay tahay sababta dib loogu dhigay Doorashada Koonfur Galbeed?

Sida ku cad bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay guddiga, maalinta cod-bixinta ee guud ahaan Koonfur Galbeed ayaa loo weeciyay 10-ka May, 2026.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 12:40PM