Ciidanka Soomaaliya oo guulo ka sheegtay howlgal ka dhan Al-Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Sarkaal Al-Shabaab ah iyo tobban dagaalame oo wehlisay ayaa lagu dilay howlgal ka dhacay Shabeellaha Hoose, sidda uu shaaciyey Taliska Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee la yaqaan Danab.

Sidda ay baahisay Idaacadda ku hadasha afka ciidamadda, howlgalkaas ayaa habeenimadii Sabtida wuxuu ka dhacay degmadda Sablaale ee gobolkaas.

Mucaad Dheere, horjoogihii xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ee Jubooyinka iyo dagaalameyaasha kale, ayaa lagu khaarijiyey guri ay ku kadiyeen ciidamaddan uu tababarka gaarka ah siiyeen saraakiil Ameerikaan ah.

Ma jiraan illo wareedyo madaxbanaan oo xaqiijinaya sheegashadda warbaahinta dowlada Soomaaliya. Al-Shabaabna wali kama aysan helin sheegashada.

Inkasta oo marka dagaal dhaco ay u badan tahay in labada daraf uu waxyeelo soo gaaro, haddana SNA Radio ayaan kala caddeyn hadii dhanka ciidamadda Soomaaliya ay gulufkan kasoo gaarey khasaaro naf iyo maal.

"Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ayaa kordhiyay howlgalada qorsheeysan ee lagu beegsanaayo horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka argagixisada Al-Shabaab," ayaa lagu soo gabagabeeyay warbixinta Idaacada.

Dowladda uu waqtiga kasii dhamaanayo ee uu hogaamiyo madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ku guuldareystay in ay fuliso balanqaadkeedii ahaa in Al-Shabaab ay waddanka uga saareyso muddo laba sano ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM

Turkiga oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay xil ka tuuristii Laftagareen

Eedaymahan ayaa imaanaya xilli magaalada Baydhabo ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada xoogga dalka.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:47PM