Ciidanka Soomaaliya oo guulo ka sheegtay weerar uga yimid Al-Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Milatariga Soomaaliya ayaa guulo ka sheegtay weerar xalay saqdii dhexe ay xubno Al-Shabaab ah ku beegsadeen saldhiga guutada 14-ka October ee degaanka Ceel-jaale, gobolka Shabeellaha Hoose.

Cabdullaahi Macow, oo kamid ah saraakiisha ciidanka xoogga, ayaa u sheegay warbaahinta maxaliga in ay iska caabiyeen weerarkaas.

Taliska ayaa soo bandhigay shan meyd oo uu ku sifeeyay qaar kamid ah dagaalameyaasha bartilmaameedsaday xeradaas ciidan iyo hub ay "ka furteen".

Hase ahaatee, ma jiro illo madaxa-banaan oo xaqiijinaya sheegashadda ciidamadda iyo khasaaraha guud ee ka dhashay weerarkaas.

Ma jiro wax war ah oo illaa iyo haatan kasoo baxay dhanka xoogaga gacansaarka la leh shabakadda argagixisadda ah ee Al-Qaacida.

Shalay ayay ahayd markii Al-Shabaab ay weerartay saldhiga ciidamada dowladda ee degaanka Daynuunay, gobolka Baay, halkaasoo lagu dilay shan askari, wallow taliska ciidamadda uu waxba kama jiraan ku qeexay arrintaas.

Ceel-jaale, waa degaan xeebeed hoostaga magaaladda Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana dhowr jeer weeraro noocaan ah ku ekeeyay ururka Al-Shabaab, inkasta oo waxyeeladda ay labada dhinac soo gaartey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sarkaal Sare oo ka Tirsan Al-Shabaab oo Gacanta lagu Dhigay

Taliyaha Qaybta Koobaad ee AUSSOM, Jackson Kayanja, ayaa ku bogaadiyay ciidamada wadajirka ah guusha ay ka gaareen howlgalkan.

  • Soomaliya

    04-04-2026

  • 12:11PM

Hoobiyeyaal lagu garaacay garoonka Baydhabo xilli uu ka degay Xasan Sheekh

Amniga madaxtooyada Koonfur Galbeed, ayaa la sheegay in ay qeyb ka yihiin ciidamo ka socda dalka Ethiopia.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 07:44PM