Ciidankii Sierra Leone ee Kismaayo ku sugnaa oo la sagootiyey

Image
Image
Image
Image

December 18, 2014 (GO)- Magaalada Kismaayo waxaa maanta lagu qabtay munaasabad lagu sagootinayey cutub ka tirsan mileteriga dalka Sierra Leone islamarkaana qayb ka ahaa hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Munaasabadda waxaa kasoo qayb galay mas'uuliyiin ay kamid ahaayeen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jubland Axmed Maxamed Islaan.

Labada mas'uul ayaa dowladda Sierra Leone uga mahadcelisey taageerada ay u fidisay Soomaaliya iyagoo sheegay in abaalkaas dadka Soomaaliyeed marna illaawi doonin.

Qorshaha dib loogu celiyey ciidamada ka socda Sierra Leone waa mid ay dhowaan ku heshiiyeen Midowga Afrika, Sierra Leone iyo Somalia.

Warar hoose oo waarbaahintu heleyso ayaa sheegay in sababta ciidanka Sierra Leone loo qaadayaa tahay kadib markii la waayey askar lagu bedelo kuwii horay Soomaaliya u joogey cabsi laga qabo cudurka Ebola dartiis.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Su’aal ka Keenay Xilliga ay Mucaaradku u Muddeeyeen Dibadbaxyada Muqdisho

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta mucaaradka inay la yimaadaan barnaamijyo siyaasadeed oo dhaxalgal ah.

  • Soomaliya

    10-05-2026

  • 07:39PM

Farmaajo oo Dowladda ku Eedeeyay Caburin Bannaanbax, Kana Digay Xadgudub Dastuuri ah

Farmaajo ayaa sheegay in bannaanbaxyadu yihiin muujin nabadeed oo shacabka ay ku cabbirayaan cabashooyinkooda la xiriira maamulka iyo hoggaanka dalka.

  • Soomaliya

    10-05-2026

  • 06:25AM