Cilad ku timid Diyaarad uu la socday gudoomiye baarlamaan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Diyaarad rakaab ah oo ay la socdeen Gudoomiyaha Baarlamaanka HirShabeelle Cabdixakiin Luqmaan iyo Xildhibaanno badan ayaa Maanta cilad soo wajahday iyagoo hawada sare ku jira.

Wararka ayaa sheegay in mid kamid ah labada matoor ee ku duulaysay diyaaradda uu demay xili ay kusoo dhawdahay magaaladda Beledweyne, kana timid Jowhar.

Duuliyaha, sidda ay xoguhu muujinayaan, ayaa diyaaradda ku deg deg ah ugu dejiyay Garoonka Muqdisho ee Aadan Cadde.

Diyaaradda oo halis gelisay nolosha rakaabka ayaa lagu farsameynayaa Garoonka Aadan Cadde, waxaana maanta dib u dhacay safarkii mas'uuliyiinta ay ku tagi lahaayeen Beledweyne.

Diyaaradaha ka howlgala Soomaaliya ayaa ah kuwa duugoobey, oo aan ku jirin wax caymis ah, iyadoo ay soo badanayaan mudooyinkii dambe ciladaha ku imaanaya xiliga duulimaadka.

Bilooyinkii lasoo dhaafay, dhowr diyaarad ayaa ku dhacday magaalooyinka ku yaalla dalka oo Beledweyne ku jirto.

Ma lahan dalka hay'ad awood u leh inay hubiso tayada diyaaradaha ka shaqeeya dalka, waxaana midan ay keentay in diyaarad kasta oo caalamka laga soo mamnuuco in loo soo diro Soomaaliya, oo halis la gelinaya nolosha muwaadiniinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaxootiga Cadaanka Koonfur Afrika oo soo gaaray Mareykanka

Markii ay soo gaareen garoonka Washington Dulles International Airport ee Virginia…

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 06:59PM

Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka oo ka xumaadey Khudbad Xamse ku weeraray Axmed Madoobe

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa qabtay dhamaadkii sanadkii hore doorasho dadban oo isaga kusoo baxay markii 3aad.

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 10:20AM