Cirro: Inta aan xafiiska joogo bay Somaliland aqoonsi helaysaa

Image

BERBERA – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in aqoonsi caalami ah oo buuxa uu noqon doono yoolka ugu weyn ee xukunkiisa, isagoo ballan qaaday in geeddi-socodka 30 sano socday uu isaga dhammeystiri doono inta uu xilka hayo.

Cirro oo Isniintii fiidkii la hadlayay odayaasha dhaqanka ee gobolka Saalaxil (Sahil), gaar ahaan magaalada Berbera, ayaa yiri: “In ka badan soddon sano ayay Somaliland u halgamaysay sidii ay u heli lahayd aqoonsi. Waxaa la qabtay wax badan, laakiin waxaan doonayaa in aan dadka Somaliland u sheego in anigu noqon doono ninkii dhammayn lahaa hawshaas.”

Madaxweynaha ayaa xusay in dowladdiisu ay mudnaan gaar ah siin doonto midnimada bulshada, xoojinta nabadda gudaha, iyo dhismaha ciidamada qalabka sida, si loo xaqiijiyo sharciyad buuxda oo caalami ah.

Wuxuu intaas ku daray in maalinta Somaliland la aqoonsado dadkeedu ay dib isugu iman doonaan Berbera, “iyagoo ah dad rasmi ah oo u dhashay dal rasmi ah.”

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli ay sare u sii kacayso baaqyada lagu dalbanayo in Mareykanku aqoonsado Somaliland.

Senator Ted Cruz, oo ah guddoomiyaha guddiga xiriirka arrimaha dibadda ee Aqalka Senate-ka Mareykanka, ayaa dhowaan ugu baaqay Donald Trump in uu si rasmi ah u aqoonsado Somaliland, isagoo ku tilmaamay “lama huraan istiraatiiji ah oo dhanka ammaanka iyo diblomaasiyadda” ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM