Cirro oo Ka Hadlay Dagaalka Dacawaley

Image

HARGEYSA- Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dagaalkii khasaaraha badan dhaliyey ee ka dhacay deegaanka Dacawaley ee hoos yimaada degmada Xarshin, gobolka Faafan, Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya. Cirro ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Itoobiya, Dowlad Deegaanka Soomaalida, iyo Somaliland ay si dhow uga wada shaqeynayaan sidii loo joojin lahaa dagaalkaas iyo sidii xal waara loogu heli lahaa colaadda.

Dhinaca kale, waxaa kulmay saraakiil ka tirsan Somaliland iyo Itoobiya, iyagoo isla gartay in ciidammada ku dagaallamay deegaankaas la kala qaado, lana dhexdhigo ciidamo Itoobiyaan ah oo nabad ilaalin ah.

Dagaalka oo ka bilowday deegaanka Dacawaley subaxnimadii Arbacada, 25-ka Diseembar 2024, ayaa dhexmaray ciidamada ammaanka ee Dowlad Deegaanka Soomaalida iyo dad shacab ah oo hubeysan.

Xukuumadda Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa sheegtay in dagaalku uu billowday kadib markii dabley hubeysan ay weerar ku qaadeen masuuliyiin iyo ciidamo boolis ah oo deegaanka u joogay xalinta khilaafaad halkaas ka jiray, taasoo keentay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Madaxweynaha Somaliland ayaa ugu baaqay dhinacyada isku haya deegaanka Dacawaley inay nabadda qaataan, wuxuuna xusay in wadajirka iyo wada shaqeynta ay muhiim u yihiin xasiloonida gobolka.

Sidoo kale, wuxuu ballan qaaday in xukuumaddiisu ay ka go’an tahay inay ka shaqeyso nabadeynta iyo horumarinta deegaannada ay colaadu saameysay, isagoo ku booriyey shacabka inay taageeraan dadaallada nabadda iyo dib u heshiisiinta.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM