Cod u qaadista mooshinka ka dhanka ah Jubaland oo dib loo dhigey

Image

May 23, 2015 (GO)- Waxaa maanta baaqday fadhigii xildhibaannada baarlammaanka Dowladda Federaalku codka ugu qaadi lahaayeen mooshinka ka dhanka ah baarlamaanka Jubaland.

Sababta cod-u-qaadista mooshinku u baaqdey ayaa ah kadib markii uu soo buuxsami waayey kooramku.

Dhanka kale, Guddoomiyaha baarlammaanka Maxamed Sheekh Cismaaan Jawaari ayaa barlammaanka u akhriyey codsi ka yimid xukuumadda kaasoo lagu dalbanayey in muddo labo todobaad ah  dib loo dhigo cod u qaadista mooshinka.

Xildibaannada mooshinka soo gudbiyey ayaa ku gacan sayrey codsigaas iyagoo ku adkeystey in la sii wado cod u qaadista mooshinka laga keenay baarlamaanka Jubaland.

Mooshinkan oo ah kii ugu horreeyey noociisa waxay xildhibaannada soo gudbiyey dalbanayaan in dib u eegis lagu sameeyo qaabka lagu soo xulay baarlamaanka Jubaland oo sida ay ku doodayaan ah mid aan waafaqsaneyn dastuurka federaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM