Copenhagen: shir ku saabsan New Deal-ka oo berri fumaya

Image

November 17, 2014 (GO)- Magaalada Copenhagen ee dalka Denmark waxaa maalinta berri ah ka furmi doona shir ku saabsan barnaamijka New Deal ee sanadkii hore caalamku dhaqaalaha badan Soomaaliya ugu ballan qaaday si looga caawiyo dhinacyada dib u dhiska iyo hurumarka.

Shirka oo muddo labo maalmood ah socon doonaa waxaa kasoo qayb gelaya wufuud caalami ah oo heerkoodu sarreeyo iyo mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka oo Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamud iyo todoba wasiir kamid yihiin.

Sidoo kale waxaa shirkaas ka qayb geli doona wufuud ka socota maamul goboleedyada dalka iyo ururada bulshada rayidka ah. Dhanka Puntland waxaa shirkaas uga qayb gelaya wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga Cali Axmed Faatax.

Maalinta koowaad ee shirka waxaa dhici doona kulan heer wasiir ah oo lagu gorfeynayo waxyaabaha ka qabsoomay barnaamijka Higsiga Cusub (New Deal) oo hadda hal sano laga joogo markii la bilaabay, iyadoo diiradda la saari doono qodobo ay kamid yihiin:

  • Dhismaha maamul goboleedyada.
  • Dib u eegista iyo ansixinta dastuurka.
  • Horumarka ciidamadu ka sameeyeen soo celinta nabad gelayada.
  • Gorfeynta xaaladda siyaasadeed ee dalka.
  • Maareynta dhaqaalaha iyo isla xisaabtanka.

Maaalinta labaad oo kulanku noqon doono heer madaxweyne waxaa iyadana si gaar ah loogu eegi doonaa qorshaha Soomaaliya ee sanadka 2016 iyo weliba suuragalnimada in la gaaro dhamaan yoolashii barnaamijka Higsiga Cusub ee shanta ahaa:

  1. In la dhiso qaranimada Soomaaliya.
  2. In la sugo ammaanka dalkana laga dhigo mid xasiloon.
  3. In dimuqraadiyada la dhaqan geliyo.
  4. In la dhiso maamullo qayb ka noqda Dowladda Federaalka.
  5. Iyo in la xoojiyo midnimada.

Shirka Copenhagen wuxuu kusoo aadayaa xilli khilaaf siyaasadeed oo xoogani hareeyey hay'adaha Dowladda Federaalka, khilaafkaasoo sabab u noqday in beesha caalamku ka rajo dhigto Soomaaliya gaar ahan Maraykanka oo sheegay inuusan ka qayb geli doonin shirka maalinta berri ah furmaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo Ciidamo usoo diray Soomaaliya kadib codsi Xasan Sheekh u diray Erdogan

Turkiga ayaa heshiisyo shidaal baaris iyo kuwa ku ilaalinayo badda Soomaaliya la galay dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    21-04-2025

  • 12:14PM

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo shir deg-deg ah ku qabtay Madaxtooyada

Kulankan ayaa yimid xilli ay xaalado amni oo adag ka taagan yihiin qaar ka mid ah gobollada dalka, iyadoo dagaallo culus.

  • Soomaliya

    21-04-2025

  • 07:30AM