Copenhagen: shir ku saabsan New Deal-ka oo berri fumaya

Image

November 17, 2014 (GO)- Magaalada Copenhagen ee dalka Denmark waxaa maalinta berri ah ka furmi doona shir ku saabsan barnaamijka New Deal ee sanadkii hore caalamku dhaqaalaha badan Soomaaliya ugu ballan qaaday si looga caawiyo dhinacyada dib u dhiska iyo hurumarka.

Shirka oo muddo labo maalmood ah socon doonaa waxaa kasoo qayb gelaya wufuud caalami ah oo heerkoodu sarreeyo iyo mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka oo Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamud iyo todoba wasiir kamid yihiin.

Sidoo kale waxaa shirkaas ka qayb geli doona wufuud ka socota maamul goboleedyada dalka iyo ururada bulshada rayidka ah. Dhanka Puntland waxaa shirkaas uga qayb gelaya wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga Cali Axmed Faatax.

Maalinta koowaad ee shirka waxaa dhici doona kulan heer wasiir ah oo lagu gorfeynayo waxyaabaha ka qabsoomay barnaamijka Higsiga Cusub (New Deal) oo hadda hal sano laga joogo markii la bilaabay, iyadoo diiradda la saari doono qodobo ay kamid yihiin:

  • Dhismaha maamul goboleedyada.
  • Dib u eegista iyo ansixinta dastuurka.
  • Horumarka ciidamadu ka sameeyeen soo celinta nabad gelayada.
  • Gorfeynta xaaladda siyaasadeed ee dalka.
  • Maareynta dhaqaalaha iyo isla xisaabtanka.

Maaalinta labaad oo kulanku noqon doono heer madaxweyne waxaa iyadana si gaar ah loogu eegi doonaa qorshaha Soomaaliya ee sanadka 2016 iyo weliba suuragalnimada in la gaaro dhamaan yoolashii barnaamijka Higsiga Cusub ee shanta ahaa:

  1. In la dhiso qaranimada Soomaaliya.
  2. In la sugo ammaanka dalkana laga dhigo mid xasiloon.
  3. In dimuqraadiyada la dhaqan geliyo.
  4. In la dhiso maamullo qayb ka noqda Dowladda Federaalka.
  5. Iyo in la xoojiyo midnimada.

Shirka Copenhagen wuxuu kusoo aadayaa xilli khilaaf siyaasadeed oo xoogani hareeyey hay'adaha Dowladda Federaalka, khilaafkaasoo sabab u noqday in beesha caalamku ka rajo dhigto Soomaaliya gaar ahan Maraykanka oo sheegay inuusan ka qayb geli doonin shirka maalinta berri ah furmaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Su’aal ka Keenay Xilliga ay Mucaaradku u Muddeeyeen Dibadbaxyada Muqdisho

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta mucaaradka inay la yimaadaan barnaamijyo siyaasadeed oo dhaxalgal ah.

  • Soomaliya

    10-05-2026

  • 07:39PM

Farmaajo oo Dowladda ku Eedeeyay Caburin Bannaanbax, Kana Digay Xadgudub Dastuuri ah

Farmaajo ayaa sheegay in bannaanbaxyadu yihiin muujin nabadeed oo shacabka ay ku cabbirayaan cabashooyinkooda la xiriira maamulka iyo hoggaanka dalka.

  • Soomaliya

    10-05-2026

  • 06:25AM