Covid-19: Madaxda DF oo lagu booriyey in ay rayidka hor-yimaadaan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir, ayaa ugu baaqay madaxda dalka in ay bulshadda hor-yimaadaan kana hadlaan Coronavirus.

Wasiirkii hore ee Qorsheynta dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayaa soo bandhigay talaabooyin kale oo ay tahay in la qaado.

Hoos ka akhriso qoraalka siyaasiga

Waxaan ugu baaqayaa madaxda dowladda in ay shacabka horyimaadaan, hoggaanna muujiyaan, si shacabka ay u helaan xog sugan oo la xariirta Fayriska Karoona. Hawshan hoggaankeeda kuma filna wasaarad, adduunka oo idilna madaxda sare ayaa hoggaamineysa dadaalka lagula tacaalayo Karoona Fayris.

Waxay ahayd in horay loogu diyaargaroobe, dhowr jeer oo horena hoggaanka dawlada waan xasuusinay, laakiin talaabooyin wax ku ool ah lama qaadin .

Haddaba waa in talaabooyin kan siyaasadeed iyo farsamo degdeg loo qaado. Kaalinta hogaanka siyaasadeed waa in;

1- Madaxdu ay dadka horyimaadaan, runtana u sheegaan, oo ay ugu horreyso inta ay tabarteenna la tacaalida la egtahay, xagga qalabka baaritaanka, qolalka daryeelka sare, qalabka oksijiinka caadiga ah iyo ogsijiinka mashiinka ah.

2- Waa in ay hawshan la gaarsiiyo heer Golaha Amniga Qaranka ka wada hadlo, kaasoo ay ku jiraan guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo madaxda dowlad goboleedyada. Wadahadalku wuxuu noqon karaa warbaahinta la iska arko. Waa in joogto looga tashadaa sida looga hortegi karo aafada Fayriskan dilaaga ah.

3- In si wadajir ah loo qaato go’aamo la is waafajinayo bedqabka dadwaynaha, iyadoo la tixgelinayo saamaynta dhaqaale ee go’aanadaas, maadama inta badan dadkeenu ku nool yihiin waxa kasoo gala xoogsi maalmeedka.

4- In la dhiso guddi ganacsato, bulshada rayadka ah, culimada iyo waxgarad ah oo qayb ka noqda abaabulka istaakulaynta bulshada .

Dhinaca Farsamada

1- Waa in dhiso guddi khubaro saynis iyo dhakhaatiir isugu jira, lehna gudoomiye aqoon durugsan u leh cudurada faafa, si ay dadwaynaha maalin walba ula socod siiyaan halka uu xaal marayo.

2- Farriimo iyo talooyin wacyi gelin uu Guddigu hormuud u yahay oo ay dhammaan qaybaha bulshada saameynta ku leh ka wada qeyb qaataan.

Fayriska Karoona waxaa looga samatabixi karaa, Alla oo la tala saarto laguna kabo taxaddar, digtooni, farriimaha iyo talooyinka khubarada caafimaadka oo la raaco.

Nabigeeenna (NNKH) wuxuu yiri “Hashaada xiro, Ilaaheyna talo saaro”


Kiisaska Covid-19 ee laga helay guud ahaan dalka ayaa maraya 12, oo laba kamid ah laga soo wariyey Somaliland. Hal qof wuxuu ugu geeriyooday Muqdisho, ruux kelana isla magaala madaxda ayuu ku bogsoodey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Ruushka xilli uu isa soo tarayo Cadaadiska Uganda

Hase yeeshee, Madaxweyne Museveni ayaa la sheegay inuu diiday codsigaas, isagoo sabab uga dhigay caqabado dhaqaale.

  • Soomaliya

    28-10-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM