Coronavirus oo dib-u-dhac ku keenay xaflada caleema saarka Qoor-qoor

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Guddiga loo xil-saarey isku-dabaridka caleema saarka madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor], ayaa shaaciyey in dib loo dhigay munaasabadaas.

Xafladda oo qorshuhu ahaa in ay kasoo muuqdaan madax kala duwan ayaa loo muddeeyay in ay qabsoonto 26-ka bishaan Maaj, sanadka 2020.

Qoraal Arbacada maanta ah kasoo baxay Guddiga waxaa lagu xusay in la bedelay jadwalka. Sababta waxaa lagu sheegay ka hortaga faafida dulinka Korona iyo daryeelka dadka qaada cudurka ka dhasha ee Covid-19.

War-saxaafadeedka oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online ayaanan lagu soo bandhigin taariikhda xigta ee xaflada dhici doonto.

BAYAANKA

Guddiga Qabanqaabada caleemasaarka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug iyo ku Xigeenkiisu ka dib markii uu qiimeeyay xaaladda uu dalku galay, dulinka Korona oo soo gaaray awgiis, wadatashina la sameeyay Madaxtooyada Galmudug, wuxuu go’aansaday in dib loo dhigo munaasabadda Caleema saarka oo dhici lahayd 26-ka Maarso 2020.

Guddigu wuxuu go’aankan gaaray markii uu arkay saameynta ay xannibaadda dayaaraduhu ku yeelatay qurbajoogta Soomaaliyeed ee ka qeyb geli lahaa munaasabadda, arkay talada dhakhaatiirta, dhegeystayna soo jeedinta Dowladda Federaalka ee ah in la dhimo kulammada waaweyn.

Guddigu wuxuu garawsaday baahida loo qabo in maskax, muruq iyo maalba la isugu geeyo ka hortagga faafidda dulinka Korona iyo daryeelka dadka qaada cudurka ka dhasha ee Covid-19.

Caleema saarka waxaa la qaban doonaa xilli ku habboon kaas oo uu Guddigu la wadaagi doono Dadweynaha xilli gudboon.

Madaxtooyada Galmudug waxay muddo gaaban gudaheed faahfaahin rasmi ah ka bixin doontaa howlaha ay Madaxtooyada iyo Baarlamaanku ku dhaqaaqi doonaan maalmaha iyo toddobaadyada foodda nagu soo haya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM