Coronavirus: Soomaaliya oo kiiskii labaad ka heshay qof ka yimid Italy

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa Khamiista maanta ah si rasmi ah u xaqiijisay in shaqsigii labaad oo ku sugan Muqdisho laga helay xanuunka si deg-deg ah u faafa ee Coronavirus.

Fowziya Abiikar Nuur, wasiirka wasaaraddaas, ayaa sheegtay in ruuxa laga helay uu kamid yahay saddex ka timid Talyaaniga oo lagu hakiyey garoonka diyaaradaha Muqdisho si hubin loogu sameeyo.

Sidda ay wararku sheegayaan, shaqsiga uu soo ritay xanuunka ayaa kamid ah saraakiil Talyaaniga loogu soo tababaray Dowladda Federaalka ah. Tiradda kale ayay xustay in ay sii barayaan.

Baaritaanka ayay sheegtay in lagu soo sameeyay dalka dibaddiisa, wallow aysan shaacin waddanka, haddana waxay xustay in natiijadda ay soo gaartey habeenimadii xalay ahayd.

Intii lagu guda jiray shirka jaraa'id, wasiir Fowziya ayaa qof walba oo Soomaali ah waxay ka codsatay in uu gacan ka geysto ololaha looga hortagayo in xanuunka uu saameyn ba'an ku yeesho dalka.

Sidoo kale, waxay shacabka ku waanisay in ay dhaqan-geliyaan talooyinka caafimaad ee ka imaanaya wasaarada.

Talyaaniga ayaa ah dalka uu sidda ba'an u saameeyay fayruska. 24-kii saac ee lasoo dhaafay waxaa ugu dhimaaty 700 qof.

Bishaan Maaj 16-keeda ayay ahayd markii qof Soomaali ah oo ka yimid Shiinaha laga helay cudurkaas. Tan iyo xilligaas, dowladdu waxay mamnuucday kulamada iyo duulimaadyadda, iyaddoo la fasaxay waxbarashadda.

MUUQAALKA FOWZIYA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Wajahaysa Isbeddel Amni xili uu dhamaanayo howlgalka Midowga Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo la yeeshay saraakiisha sare ee dhinaca amniga.

  • Soomaliya

    25-07-2026

  • 12:29PM

Khilaafka doorashooyinka oo sii xoogeysanaya, Puntland iyo Jubaland oo isaga baxay wada-hadallada Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararka ku saabsan bixitaanka wafdiyada Jubbaland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 12:34PM