Coronavirus: Tirada ajaaniibta ay DF ka heshay Covid-19 oo korortay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Guddiga ka hortagga faafitaanka Coronavirus ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in ay laba ruux noqotay tiradda ajaaniibta laga helay fayruska Corona.

Balse lama shaacin dalalka ay kasoo jeedaan ajaaniibtaas, oo midkood la hubo in uu ka tirsan yahay xafiiska Qaramada Midoobay, balse midka kale aanan wali lasoo bandhigin fahfaahintiisa.

Dr Cabdirisaaq Yuusuf Axmed Jalaaludiin, xubin ka ah guddigaas, ayaa tilmaamay in wadarta guud ee shaqsiyaadka ay ua heleen caabuqaas ay haatan mareyso shan qof oo ku sugan Muqdisho.

Jalaaludiin oo wareysi siiyey warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaa intaas ku daray in 17 kale ay baaritaan ku socota, kuwaas oo qorshuhu yahay in natiijadooda ay soo baxdo dhowaan.

Tani ayaa macnaheedu wuxuu yahay in tirada dadka uu soo ritay guud ahaan Soomaaliya ay gaareyso todoba ruux, marka lagu daro laba kiis oo uu todobaadkan ay xaqiijisay Somaliland.

Bukaanada qaadey cudurka ee ku sugan Muqdisho ayaa lagu hayaa Isbitaalka Mariin oo loo asteeyay goobta karan-tiilka, sidda laga soo xigtay Jalaaludiin.

Dhanka kale, Jalaaludiin ayaa qiray in xukuumada iyo guddigooda ku hungoobeen in ay soo qabtaan shaqsiyaad la kulmay bukaanada laga helay xanuunka kadib markii ay "qariyeen eheladooda".

"Nuxurka fariinta aan direyno waxay tahay in aan loo arkin in cudurku yahay cambaar ama wax la isku takoor," ayuu yiri, isagoo shacabka ku booriyey in ay soo sheegaa hadii ay isku arkaan astaamaha.

Calaamadaha ugu waaweyn ee lagu aqoonsado cudurka ayaa waxaa kamid ah; qufac aan kala joogsi lahayn, neef-qabatin iyo xuumad daran.

Guud ahaan caalamka, sidda ay muujineyso warbixintii u dambeysay, kiisaska dadka qaadey Covid-19 ayaa gaaraya in ka badan hal milyan, iyaddoo dadka u geeriyooday ay ka badan yihiin 45-kun oo ruux.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM