Coronavirus: UK oo xayiraad kusoo rogtay Soomaaliya

Image

LONDON, UK – Boqortooyadda Ingiriiska ayaa Soomaaliya waxay ku dartay liiska wadamo ay mamnuuc ka tahay muwaadiniinta UK u safraan sababo la xiriira safmareenka khatarta badan ee dilaaga ah ee Coronavirus.

Sidda ay warisay saxaafadda Britain, xayiraadan oo dhaqan-galeysa gelinka dambe ee Jimcada todobaadkan waxay saameyn doontaa labaduba – dadka ka baxaya gudaha Ingiriiska iyo kuwa ka imaanaya dalalkaas la xayiray.

Hasa ahaatee, muwaadiniinta Britain ee haysta baasaboorada Ingiriiska iyo Ireland waxay helayaa fursad ah in laga dabcin doono xayiraadda isla markaana ay 10 casho ku qaadan doonan Hotel loo qoondeeyay karantiilka.

"Hoteelkaas ay dowladdu ansixisay waxaa loogu talagalay in lagu hubiyo caafimaadka dadka ka imaanaya dalalkaas si loo hubiyo caafimaadkooda iyo in aysan faafin nooca cusub ee Covid-19," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xukuumadda London oo ku socday muwaadiniinta Ingiriiska.

Dalalka Soomaaliya ku wehliya xayiraaddaas waxaa kamid ah; Qatar, Cumaan iyo Itoobiya, halka Portugal iyo Mauritius ay ka badbaadeen.

Kiisaska Covid-19 ee gudaha Ingiriiska ayaa maraya 4.26 milyan, halka bogsashaddu aan la shaacin, dhimashaduna 126 kun oo ruux.

Guud ahaan caalamka, kiisaska Coronavirus ayaa kor-u-dhaafaya in ka badan 120 milyan, halka geeridu ka badan tahay laba milyan, iyadda oo dadka soo kabanaya ay sii caga-cageynayaan 68.1 milyan – taasoo ah tirro fiican.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM