Covid-19: Imaaraadka oo gargaar caafimaad ka dejiyey Muqdisho

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Diyaarad sidda gargaar caafimaad oo loogu talagalay ka hortagga faafitaanka Coronavirus ayaa lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka gaar ahaan Wasaaradda Caafimaadka oo gudoomay deeqda ayaa ka mahadceliyey.

Kaalmadda ayaa la sheegay in ay gaareyso 27 tan oo isugu jira agab kala duwan oo lagu xakameeyo faafitaanka cudurka.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii xukuumadda Abu Dubai ay tabarucaad noocaan ah gaarsiisay magaalooyinka Garowe iyo Hargeysa.

Xukuumadda Muqdisho oo horey ugu qaylo-dhaamisay caalamka ayaa waydiisatay taageero deg-deg ah, waxaana dalabkaas kasoo jawaabay qaar kamid ah wadamada saaxiibka la ah dowladda.

Imaaraadka ayaa u muuqda mid kasoo jawaabida codsigaas kaga soo horumaray Turkiga iyo Qadar oo xiriir dhow la leh Nabad iyo Nolol ama dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Maxamed Farmaajo.

Wasaarada Caafimaadka federaalka ayaa xaqiijisay 60 xaaladood oo xanuunka Covid-19 ah, guud ahaan dalka. Intaas waxaa wehlisa, magaala madaxda waddanka ee Muqdisho waxaa lagu soo rogay bandow habeenkii ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Ruushka xilli uu isa soo tarayo Cadaadiska Uganda

Hase yeeshee, Madaxweyne Museveni ayaa la sheegay inuu diiday codsigaas, isagoo sabab uga dhigay caqabado dhaqaale.

  • Soomaliya

    28-10-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM