Covid-19: Muqdisho oo laga helay kiis cusub; tirada guud oo gaartay 8

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Caafimaadka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqdey in uu soo kordhay kiis cusub oo la xiriira fayruska dilaaga ah ee Corona.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in ruuxaan uu yahay qof degaan ku ah Muqdisho isla markaana aanan ku imaan safar dibadda ah.

Tani ayaa tiradda guud ee kiiska ka dhigeysa sideed. Si lamid ah, marka laga hadlo qaabka uu ku qaadey ruuxaas oo ah in dalka lagu qaad siiyey, waa laba xaaladood.

"Waxaa soo kordhay xaaladii 8aad oo xanuunka COVID-19 lagu xaqiijiyey. Waa muwaadin Soomaaliyeed oo lab ah, da’diisuna tahay 58 sano, wuxuuna deegaan ku yahay Muqdisho oo safar kuma imaan. Tirada guud ee la xaqiijiyey: 8 Tirada bogsashada : 1 Tirada dhimashada : 0," ayaa lagu yiri bayaanka.

Dhawaqaan ayaa kusoo aadaya xili maanta ay wasaaradda ku dhawaaqdey in ay hirgelisay sheybaar lagu ogaado cudurka oo yaala Muqdisho isla markaana ay WHO aqoonsatay.

Ma cadda hadii bukaanka soo kordhay uu kamid yahay ku dhowaad 50 qof oo wasaaraddu baaritaan ku sameysay kadib markii ay la kulmeen qaar kamid ah shaqsiyaadkii horey loo xaqiijiyey.

Dadka uu soo ridanayo xanuunka safmareenka oo sii kordha ayaa xoojineysa walaaca dadweynaha ka muujinayo caabuqa, kaas oo guud ahaan caalamka ku dilay 70-kun; Afrikana 10-kun.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM