Covid-19: Muqdisho oo laga xaqiijiyey 62 kiis cusub iyo laba geeri horleh

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasaaradda Caafimaadka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah waxay ku dhawaaqdey in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay diiwaan-gelisay 62 kiis cusub oo ah Coronavirus.

Fowziya Abiikar Nuur, wasiirka wasaaradaas, ayaa wariyeyaasha u sheegtay in laba oo horleh ay u geeriyoodeen caabuqa safmarka ah.

Sidda laga soo xigtay Fowziya, waxaa soo caafimaadey laba bukaan oo horey looga helay dhamaan calaamadihii cudurkaas dilaaga ah.

Warbixinta ayaa muujineysa in 18 kamid ah 62-da kiis ee cusub ay yihiin Dhegid; intaas waxaa wehlisa in 44 kamid ah waa Lab.

"Wadarta guud ee kiisaska waa 390, tiradda guud ee dhimashadda waa 18; dadka bogsaday wadartooda waa 10," ayay raacisay hadalkeeda.

Wasiir Fowziya oo hadalkeeda sii wadata ayaa ku boorisay dadweynaha in ay ku waano qaataan kororka maalinlaha ee xanuunka halista ah.

Soomaaliya ayaa haatan ku baareysa fayruska gudaha Muqdisho kadib markii ay heshay sheybaarka lagu ogaado kaas oo ay kaga maarantay midka ay hay'adda caafimaadka aduunka aqoonsan tahay ee caasimada dalka Kenya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM