Soomaaliya oo shaacisay kiisas cusub; tirada guud oo gaartay 21

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Caafimaadka dowladda Soomaaliya ayaa goordhow ku dhawaaqdey in ay soo korodheen sagaal kiis oo cusub. Tani waxay tirada guud ka dhigeysaa 21.

Kiiska cusub waxaa laba kamid ah ay yihiin shaqaale ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka. Tani waxay ka dhigan tahay in tirada howlwadeenada ay gaartay afar.

Lix kamid ah bukaanada cusub ayaa horey ula kulmay ruux kale oo horey uu u soo ritay xanuunka safmareenka ah. Waxaa baaritaan uu ku socdaa shaqsiyaad kale.

Hoos ka akhriso bayaanka wasaaradda

•Maanta oo ay taariikhdu tahay 10/04/2020, waxaan xaqiijinaynaa inay soo kordheen 9 xaaladood oo cusub oo laga helay cudurka Corona. Dadkaan ayaa dhamaantood ah dad ku sugan magaalada Muqdisho oo aan wax safar ah dhowaan galin.

•6 kamid ah waa dad horey iyagu xiriir ula sameeyay qof ka mid ah dadkii horeya cudurka looga helay

• Waxaa ka mid ah dadka maanta laga helay cudurka labo sarkaal oo u shaqeeya Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, taasoo ka dhigaysa tirda guud ee shaqaalaha Wadaaradda Caafimaadka ee uu saameeyay cudurku afar (4)

•Tirada guud ee cudurka Corona laga helay ayaa waxay noqonaysaa 21 qof wadanka oo dhan

•Sida hada inoo muuqata, waxaa xanuunkii uu si aayar ah ugu faafayaa buslshada dhexdeeda

•Waxa aad u haboon in qof walba oo innaga mid ah uu la yimaado taxadar dheeraad ah, lana raaco dhamaan fariimaha iyo talooyinka Wasaarddu ay bixinayso.


Shaacinta ayaa kusoo aadeysa iyaddoo Xukuumadda Federaalka ay maanta bilowday dhaqan-gelinta amaro lagu xirayo Masaajida iyo goobaha kale ee ganacsiga, iyaddoo la adeegsaday ciidamo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM

Dowladda Soomaaliya oo Bandow ku soo Rogtay Baydhabo Kadib Xiisado Siyaasadeed

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Asad Osman Abdullahi, oo maalmahan kulamo la lahaa saraakiisha booliska ee Baydhabo.

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 08:58AM