​Cumar Cabdirashiid "NISA farogalinta ha ka dayso Odoyaasha"

Image

MUQDISHU, Somalia- Ra'isal wasaaraha waqtigu ka dhammaaday ee Somalia, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake, ayaa soo saaray waraaq ka dhan ah howlgallada ciidamada Nabad sugidda iyo Sirdoonka [NISA].

Qoraalkan oo la qoray 29 November, 2016, balse la baahiyay maanta, ayaa lagu sheegay in Ciidamada NISA, afduub u gaysteen Oday dhaqameed kasoo jeeda gobollada Waqooyi, kaasoo lagu xiray magaalada Muqdishu.

Tallaabadaas, ayaa odoyaal dhaqameed ka hadlay caasumadda Somalia, waxay ku eedeeyay inay ka dambeeyeen siyaasiyiin ku jiray xukuumadda Waqtigu ka dhammaaday.

War-qadda kasoo baxday mudane CCC, ayaa loogu digay NISA, inay faraha la gasho arrimaha doorashooyinka dadban ee dalka ka socda, waxaana lagu sheegay in howlaha amniga u xilsaaranyihiin guddi dowladdu magacowday.

Arrintan ayaa daaha ka rogtay, khilaaf la sheegayo inuu u dhaxeeyo Madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday Xasan Sheekh iyo RW Cumar Cabdirashiid, kuwaasoo labaduba u sharaxan doorashada Madaxtinimo ee dalka ka dhici doonta 2016.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM