Cutubyo ka tirsan ciidanka Haramcad oo la qarxiyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ugu yaraan saddex askari ayaa Axada maanta ah lagu waramay in ay waxyeelo kasoo gaartay qaraxa loo maleynayo miino oo ciidamadda booliska sidda gaarka ah u tababaran lagula eegtay degaanka Carbiska ee duleedka caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Sidda ay muujinayaan macluumaadyada lagu kalsoon-yahay, askarta la beegsaday waxay kamid ahaayeen cutubyadda ilaaladda ka haya dhismaha wadada muhiimka u ah isu-socodka Muqdisho iyo Afgooye.

"Qaraxa jugtiisa waxay ahayd mid sareysa. Miinada waxaa loo maleynayaa in ay ahyad nooca booda. Askarta dhaawacantay waxaa loola cararay goobaha caafimaadka si loo badbaadiyo noloshooda," ayuu yiri goobjooge ka akdhowaa goobta wax ka dhaceen oo la hadlay Garowe Online.

Ma jirto koox illaa haatan dusha saaratay mas'uuliyadda falkaas. Balse, dowladda Soomaaliya waxay inta badan dusha ugu ridaan mas'uuliyadda weerarada noocaan ah maleyshiyaadka hubeysan ee Al-Shabaab.

Xalay fiidnimadii ayay ahayd markii hal qof uu ku dhintay, saddex kalana uu ku dhaawacmay qarax miino oo gaari ay wateen booliska sidda gaarka ah u tababaran lagula eegtay isgoyska KM4 ee Muqdisho.

Gaariga la beegsaday wuxuu ahaa nooca aan xabadda karin. Dadka waxyeeladda kasoo gaartay waxay saarnaayeen Mooto Bajaajyo.

Todobaadkii hore, ku dhowaad 15 qof ayaa lagu dilay weerar qarax ku bilowday oo maleyshiyo ka tirsan Al-Shabaab gudaha ugu galeen Hotel Afrik oo ku yaala wadada gasha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. Falalka liddiga ku ah amniga way soo badanayaan xilli doorashada soo dhow-dahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM