Daacish oo sheegatay weerar ka dhacay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kooxda Daacish ayaa sheegatay Mas'uuliyadda weerar ka dhacay shalay magaaladda Muqdosho, ee Caasimadda dalka Soomaaliya, kaasoo lagu dhaawacay saddex askari oo Ciidamada Militeriga DF katirsan.

Wakaaladda Acmaaq ee baahisay wararka Daacish ayaa sheegtay in rag bistoolado ku hubeysan ay weerar ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen Ciidamada amaanka degaanka Xoosha, halkaasi uu ka dhacay is-rasaaseyn daqiiqado socotay.

Mid kamid ah dableyda ayaa lagu qabtay dagaalka isagoo dhaawac ah, wuxuuna hadda ku jira gacanta Ciidanka booliska dowladda, sida uu sheegay afhayeen u hadlay laamaha amniga magaaladda Muqdisho.

Inta badan weerarada ka dhacay Caasimadda waxaa fulisa Kooxda Al-Shabaab, maadaama ay ku xoog badan tahay Koonfurta Soomaaliya, halka Daacish ay fariisamo ku leedahay buuralayda gobolka Bari, ee Puntland.

Amniga Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay mudooyinkii dambe, taasoo hoos u dhigtay qaraxyadii dhici jiray iyo dilalkii joogtada ahaa, waxaana wadooyinka lagu arkayaa Ciidan boolis ah oo gaadiidka habeen iyo maalin baaraya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM