Daacish oo sheegatay weerar ka dhacay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kooxda Daacish ayaa sheegatay Mas'uuliyadda weerar ka dhacay shalay magaaladda Muqdosho, ee Caasimadda dalka Soomaaliya, kaasoo lagu dhaawacay saddex askari oo Ciidamada Militeriga DF katirsan.

Wakaaladda Acmaaq ee baahisay wararka Daacish ayaa sheegtay in rag bistoolado ku hubeysan ay weerar ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen Ciidamada amaanka degaanka Xoosha, halkaasi uu ka dhacay is-rasaaseyn daqiiqado socotay.

Mid kamid ah dableyda ayaa lagu qabtay dagaalka isagoo dhaawac ah, wuxuuna hadda ku jira gacanta Ciidanka booliska dowladda, sida uu sheegay afhayeen u hadlay laamaha amniga magaaladda Muqdisho.

Inta badan weerarada ka dhacay Caasimadda waxaa fulisa Kooxda Al-Shabaab, maadaama ay ku xoog badan tahay Koonfurta Soomaaliya, halka Daacish ay fariisamo ku leedahay buuralayda gobolka Bari, ee Puntland.

Amniga Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay mudooyinkii dambe, taasoo hoos u dhigtay qaraxyadii dhici jiray iyo dilalkii joogtada ahaa, waxaana wadooyinka lagu arkayaa Ciidan boolis ah oo gaadiidka habeen iyo maalin baaraya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM