Daacishta Soomaaliya oo "laba garab u kala jabtay"

Image

GAROWE, Puntland – Dagaalameyaasha Daacish ee ku dhuumaaleysta degaanada buuraleyda ee dowladda Puntland ee Soomaaliyed ayaa u kala jabay laba garab, sidda ay sheegayaan warbixino laga helay dadka degaanka.

Sidda ay muujinayaan fahfaahinada, maleyshiyadda oo gacansaar la leh kooxda la magacdey Dowladda Islaamka ee ka howlgasha wadamo ay kamid yihiin Suuriya iyo Ciraaq ayaa ku dagaalameysa buuraha Calmiskaad.

Is-qabqabsiga ka dhex-qarxay mitidiinta ayaa la wariyey in uu salka ku haya cidda hogaanka u qabaneysa "maadaama uu xanuunsanayo" hogaamiyahooda Cabdiqaadir Muumin kaasoo horey uga mid ahaa Al-Shabaab.

Muumin oo kamid ahaa Jaaliyada Soomaaliyeed ee UK ayaa, sidda ay warbixinadu tibaaxayaan, wuxuu la daalaadhacayaa cudurka macaanka.

"Saddex dagaalameyaal ayaa uga geeriyootay dagaal dhexmaray Isniintii," ayay tabiyeen dhowr qof oo dadka degaanka ah balse magacyadooda uga gaabsaday sababo la xiriira in ay u baqayaan amnigooda shaqsiyadeed.

Kala-qeybsanaanta soo wajahdey ISIL-Somali ayaa kusoo hagaageysa maalmo kadib markii ay ku dhawaaqeen dagaal ka dhanka ah Al-Shabaab.

Al-Shabaab iyo Daacish oo haatan ah khatarta ugu weyn ee ammaanka Soomaaliya ayaa u muuqanaya kuwa dhexdooda isku-jeestay taasoo, sidda falanqeeyeyaashu aaminsan yihiin, fursad u ah laamaha nabad-gelyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM