Daacishta Soomaaliya oo "laba garab u kala jabtay"

Image

GAROWE, Puntland – Dagaalameyaasha Daacish ee ku dhuumaaleysta degaanada buuraleyda ee dowladda Puntland ee Soomaaliyed ayaa u kala jabay laba garab, sidda ay sheegayaan warbixino laga helay dadka degaanka.

Sidda ay muujinayaan fahfaahinada, maleyshiyadda oo gacansaar la leh kooxda la magacdey Dowladda Islaamka ee ka howlgasha wadamo ay kamid yihiin Suuriya iyo Ciraaq ayaa ku dagaalameysa buuraha Calmiskaad.

Is-qabqabsiga ka dhex-qarxay mitidiinta ayaa la wariyey in uu salka ku haya cidda hogaanka u qabaneysa "maadaama uu xanuunsanayo" hogaamiyahooda Cabdiqaadir Muumin kaasoo horey uga mid ahaa Al-Shabaab.

Muumin oo kamid ahaa Jaaliyada Soomaaliyeed ee UK ayaa, sidda ay warbixinadu tibaaxayaan, wuxuu la daalaadhacayaa cudurka macaanka.

"Saddex dagaalameyaal ayaa uga geeriyootay dagaal dhexmaray Isniintii," ayay tabiyeen dhowr qof oo dadka degaanka ah balse magacyadooda uga gaabsaday sababo la xiriira in ay u baqayaan amnigooda shaqsiyadeed.

Kala-qeybsanaanta soo wajahdey ISIL-Somali ayaa kusoo hagaageysa maalmo kadib markii ay ku dhawaaqeen dagaal ka dhanka ah Al-Shabaab.

Al-Shabaab iyo Daacish oo haatan ah khatarta ugu weyn ee ammaanka Soomaaliya ayaa u muuqanaya kuwa dhexdooda isku-jeestay taasoo, sidda falanqeeyeyaashu aaminsan yihiin, fursad u ah laamaha nabad-gelyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM