Dableey hubaysan oo Hooyo Soomaaliyeed ku dilay magaalada Caabudwaaq

Image
Waxaa sii kordhaya dambiyada ka dhanka ah haweenka Soomaaliyeed.

Caabudwaaq, Soomaaliya - Warar ayaa sheegaya in dil fool xun uu ka dhacay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, halkaasi oo lagu dilay hooyo lagu magacaabi jiray Foosiya Aadan Xuubeey oo hooyo Soomaaliyeed, waxaana dilkaas ka dambeeyay kooxo hubeysan oo aan heybtooda la garaneyn.

Dableyda dilka geysatay ayaa dileen hooyadan xilli ay ku sii jeedday gurigeeda, waxaana ay ka toogteen qeybaha sare ee jirka, waxaana dadaalo lagu bad baadinayay hooyadan lagu guul dareystay, kadib markii isbitaalka loo qaaday.

Dablaydii falkaasi geysatay ay goobta ka baxsadeen ka dib markii ay dhowr Xabadood ku dhufteen haweeneyda. Dadka deegaanka ayaa sheegay in dableydan ay damceen inay dhacaan haweeneyda, waxaana ay dileen markii ay ka waayeen taleefoon ama wax u dhigma.

Waxaa sii kordhaya dambiyada ka dhanka ah haweenka, kuwaasi oo ka dhacay gobollo badan oo dalka ka tirsan, sida Banaadir, Shabeellaha Hoose, iyo Galgaduud.

Dad badan oo ka falceliyay dhacdooyinkan ayaa dhaliilay hay’adaha kala duwan ee dowladda oo aan ku guuleysan inay ka hortagaan falalkan lagu dhibaateynayo haweenka Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM