Dabley dil ka fulisay Muqdisho oo la toogtay kahor inta aysan baxsan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Booliska Soomaaliya ayaa wuxuu fiidnimadii caawa ku toogtay degmadda Wadajir ee gobolka Banaadir xubno la sheegay "in ay ka tirsanaayeen maleeyshiyaadka Al-Shabaab".

Shaqsiyaadkaas ayaa lagu waramay in degmada deriska la ah ee Dharkeenley ay kusoo khaarijiyeen nin ka ganacsade Sigaarka.

Marxuumka oo magaciisa lagu soo koobay Aboorey ayaa waxaa la bartilmaameedsaday abaare daqiiqado kahor Salaadda Maqrib.

Cabdiraxmaan Maxamed Cali, gudoomiyaha degmada Wadajir, ayaa sheegay in xogta "gacan-ku-dhiigleyaasha" ay soo gudbiyeen shacabka oo uu kaga mahadceliyey kaalinta fiican oo ay qaateen.

Balse, illo wareedyo ayaa u sheegay Garowe Online in xogta xubnahaan uu bileyska la wadaagay sarkaal dharcad ah oo ka tirsan sirdoonka Soomaaliya oo soo daba-kacay dableyda.

Xogta uu helayo GO ayaa intaas ku dareysa in mid kamid ah kooxaha hubeysan uu baxsadey markii booliska ay ku amreen in ay joogsadaan.

"Markii xogtooda uu gudbiyey sarkaalka dharcadka ahaa, waxaa lagu amray in ay joogsadaan. Dhamaantooda waxay lasoo bastooladay, midkood ayaa fakaday, wayna dagaalameen," ayuu raaciyey.

Xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacidda ayaa inta badan kordhiya dilalka qorsheysan marka la guda galo bisha barakeysan ee Ramadaan, mana muuqato qorshe dowladdu u diyaarsan si loo baajiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamo la geeyay hoyga Xasan Cali Khayre iyadoo xiisaddu ka sii dareyso Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin ciidamada la geeyay hoyga Xasan Cali Khayre.

  • Soomaliya

    09-05-2026

  • 02:51PM

Sheekh Shariif oo u guuray waqooyiga Muqdisho si uga baaqsado xabsi guri suurtagal ah ka hor bannaanbaxa

Wararka ayaa sheegaya in Sheekh Shariif uu kamid yahay siyaasiyiinta mucaaradka ee diyaar u ah inay ka qeyb galaan bannaanbaxa.

  • Soomaliya

    09-05-2026

  • 02:23PM