Dabley kusoo dhex-dhuumatay banaanbaxii Muqdisho oo la qabtay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliska Booliska Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in uu gacanta ku dhigay dabley "kusoo dhex-dhuumatay" banaanbaxyadii shalay ka dhacay magaala madaxda dalka ee Muqdisho.

War-saxaafadeed kasoo baxay taliska oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online ayaa tiradda kooxda hubeysan ku sheegay shan.

Laba kamid ah raggaas ayaa hubeysanaa, sidda ku cad warka qoraalka ah oo tibaaxay "in ay damacsanaayeen maleegida dhagar".

"Ciidamadda Booliska Soomaaliyeed oo kaashanaya Sirdoonka Caasimadda ayaa maanta [Sabti, 25, April, 2020] gacan ku dhigay shan nin oo laba midda ay hubeysanaayeen kuwaas oo ku dhex-dhuumanayey shacabkii maanta ku mudaaharadayey dhinaca Daljirka Daahsoon ee magaalada Muqdisho damacoodana uu ahaa maleegida dhagar," ayaa lagu yiri qoraalkan ku taariikheysan 25-ka bisha April sanadka 2020.

Marka laga soo tago shaacinta warkaan, taliska ma uusan soo bandhigin caddeymo iyo muuqaalka shaqsiyaadka eedeysanayaasha ah.

Illaa iyo haatan ma cadda kooxda ay ka tirsan yihiin raggaas. Balse, caasimadda waxaa si isku mid ah uga howlgala Al-Shabaab iyo Daacishta Soomaaliya, wallow ay hooseyso saameyntooda dhaqdhaqaaqa.

Haddii la xaqiijiyo arrintaan, waxay noqon kartaa halis kale. Booliska wuxuu ku waaniyey dadweynaha magaala madaxda in ay feejignaadaan.

Isu-soo-baxyaddii shalay gilgilay magaala madaxda Soomaaliya ayaa ka dhashay dilka laba qof oo shacab ahaa – haweenay umul ahayd iyo wiil dhalinyarro ah, kaas oo dhowaan qorsheynayey in uu guursado.

QORAALKA BOOLISKA

Image

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo Soomaaliya ka dhigaya Goob ay Quwadaha Caalamku ku Hardamaan

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in xaruntan ay Turkiga u suuragelin karto inuu ballaariyo…

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 06:20AM

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM