Dabley looga shakisan yahay ciidanka Soomaaliya oo lala xiriiriyey kufsi

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Rag hubeysan oo la tuhunsan yahay in ay ka tirsan yihiin milatariga Soomaaliya ayaa lagu waramay in habeenkii Sabtida todobaadkan ay fal kufsi ah ka geysteen magaalada Muqdisho.

Falkaan lagu faroxumeeyay wiil 9-sano jir ah ayaa laga soo wariyey degmadda Shangaani ee hoostagta maamulka gobolka Banaadir.

Sidda laga soo xigtay qoysaska dhibanaha, dableyda ayaa ficilkaan ku kacdey xilli habeen ah oo ay u dhaceen guriga ay ku noolaayeen.

Haweenay iyo gabar kale oo waqtigaas ku sugnaa ayaa ka badbaadey arxaan-laawayaashaas kadib markii ay si dirqi ah uga baxsadeen.

"Dhakhatar ayaa noo xaqiijiyey in wiilka ay wax gaaraan. Hadda guriga ayuu noo jiifaa, wuuna caafimaad qabaa. Waxaana codsaneynaa in aan cadaalad helno," ayuu yiri Awoowaha wiilka dhibaatada loo geystay.

Hal qof oo lala xiriirinayo dhacdadaan ayaa la fahansan yahay in uu haatan ku xiran yahay saldhiga booliska degmadda Shangaani.

Taliska booliska Soomaaliya ayaa ka gaabsaday in uu ka hadlo dhacdadaan, wallow uu xaqiijiyey in ay soo gaaraan akhbaarta.

Jimcadii lasoo dhaafay ayay ahayd markii gabar ardayad 19-jir ahayd kufsi iyo dil loogu geystay degmada Waaberi ee Muqdisho. Xamdi Maxamed Faarax waa lasoo qafaashay kahor inta aan kufsi wadareed lagula kicin.

Kooxihii ka dambeeyay dhacdadaas ayaa kadib kasoo tuuray dabaq lix biyaano ah. Bileysku wuxuu tibaaxay in afar qof loosoo xiray kiiska.

Muqdisho ayaa u muuqaneysa mid falalka amni darro ay ugu darsanaan dhacdooyin argagax leh oo kufsigu kamid yahay, waxaana arrimahaan imaanayaa xilli waddanka u diyaar-garoobayo doorashooyin guud.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Somaliland oo is-dhaafsaday Maxaabiis Dagaal 

Wasiirku wuxuu ku tilmaamay is-weydaarsigan mid muhiim u ah dhismaha kalsoonida iyo xasilinta xiriirka labada dhinac.

  • Soomaliya

    30-04-2025

  • 09:36AM

Sheekh Aadan Madoobe oo lagu qasbay inuu Xildhibaan Abiib Kursigiisa u celiyo

Wasaarado katirsan Xukuumadda Xamse ayaa lagu soo waramayaa in warqadaha Abiib ay ku waayeen lacag badan iyo Mashaariic.

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 06:03PM