Dabley looga shakisan yahay ciidanka Soomaaliya oo lala xiriiriyey kufsi

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Rag hubeysan oo la tuhunsan yahay in ay ka tirsan yihiin milatariga Soomaaliya ayaa lagu waramay in habeenkii Sabtida todobaadkan ay fal kufsi ah ka geysteen magaalada Muqdisho.

Falkaan lagu faroxumeeyay wiil 9-sano jir ah ayaa laga soo wariyey degmadda Shangaani ee hoostagta maamulka gobolka Banaadir.

Sidda laga soo xigtay qoysaska dhibanaha, dableyda ayaa ficilkaan ku kacdey xilli habeen ah oo ay u dhaceen guriga ay ku noolaayeen.

Haweenay iyo gabar kale oo waqtigaas ku sugnaa ayaa ka badbaadey arxaan-laawayaashaas kadib markii ay si dirqi ah uga baxsadeen.

"Dhakhatar ayaa noo xaqiijiyey in wiilka ay wax gaaraan. Hadda guriga ayuu noo jiifaa, wuuna caafimaad qabaa. Waxaana codsaneynaa in aan cadaalad helno," ayuu yiri Awoowaha wiilka dhibaatada loo geystay.

Hal qof oo lala xiriirinayo dhacdadaan ayaa la fahansan yahay in uu haatan ku xiran yahay saldhiga booliska degmadda Shangaani.

Taliska booliska Soomaaliya ayaa ka gaabsaday in uu ka hadlo dhacdadaan, wallow uu xaqiijiyey in ay soo gaaraan akhbaarta.

Jimcadii lasoo dhaafay ayay ahayd markii gabar ardayad 19-jir ahayd kufsi iyo dil loogu geystay degmada Waaberi ee Muqdisho. Xamdi Maxamed Faarax waa lasoo qafaashay kahor inta aan kufsi wadareed lagula kicin.

Kooxihii ka dambeeyay dhacdadaas ayaa kadib kasoo tuuray dabaq lix biyaano ah. Bileysku wuxuu tibaaxay in afar qof loosoo xiray kiiska.

Muqdisho ayaa u muuqaneysa mid falalka amni darro ay ugu darsanaan dhacdooyin argagax leh oo kufsigu kamid yahay, waxaana arrimahaan imaanayaa xilli waddanka u diyaar-garoobayo doorashooyin guud.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM