Dad ehel ah oo ku leeday hoobiyeyaal lagu duqeeyay xerada Xalane

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Tirro madaafiic ah ayaa aroornimadii Axada maanta ah waxaa laga maqlay qaybo kamida magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka.

Maleeyshiyaadka xagjirka ah ee Al-Shabaab oo dusha saartay falkaas ayaa wariyey in ay ku beegsadeen xerada AMISOM ee Xalane.

Balse warbaahinta ku hadasha afka xoogaga gacansaarka la leh shabakada argagixisada ah ee Al-Qaacida ma xusin khasaaraha.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan duqeyntan oo illaa iyo haatan ay dhacdadaan kasoo saareen lamaaha amaanka Soomaaliya iyo taliska howlgalka Midowga Afrika ee nabad-ilaalinta Soomaaliya.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii sidaan hore madaafiic loogu garaacay xaafadaha ku teedsan saldhiga Xalane, oo fariisin u ah diblumaasiyiinta wadamadda caalamka iyo UN-ka.

Dhimashada dad isku qoys ah

Dhowr illo wareed ayaa ku waramay in qaar kamid ah hoobiyeyaasha ay dhimasho iyo dhaawac kasoo gaareen shacab gaar ahaan dad isku qoys ah. Si lamid ah, waxaa ku leeday Geel badan.

Daryenta madaafiicda oo la maqlay abaare 7:20am, xilliga Muqdisho, waxay ku kala dhaceen kontarool ciidan, xero lagu xareeyo xoolo Geel u badan iyo guri ay ku nool yihiin dad shacab ah.

Madfaca ku habsaday kontaroolka ciidanka dowladda ee nawaaxiga xerada Xalane ayaa lasoo wariyey in ay ku geeriyoodeen shan qof oo rayid ah – afar isku qoys ah iyo haweenay waayeel ahayd.

Hoobiyaha ku dhacay xerada Geelle ee ku taala xaafada Tarabuush ee degmadda Wadajir ayaa galaaftay tirro neef oo Geel ah.

"Hoobiyaha wuxuu soo dhacay iyaddoo qaar kamid ah Geele laga lisayey Caano," sidaas waxaa GO u sheegay goobjooge ka akdhowaa meesha ay wax ka dhaceen, balse codsaday in la magacaabin.

Al-Shabaab ayaa aalaaba marka la gaaro bisha barakeysan ee Ramadan waxay ka fulisaa magaalooyinka ay Muqdisho kamid ah falal liddi ku ah amniga, mana muuqdo qorshe ay dowladdu uga hortegeyso arrinkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM