Dad isku qoys ah oo dil wadareed loogu geystay duleedka Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ugu yaraan afar qof ayaa dhimatay, shan kale waxaa soo gaarey dhaawacyo kadib markii nin ku hubeysan AK 47 uu rasaas ooda uga qaaday guri ay kaga sugnaayeen duleedka magaalada Muqdisho.

Dhamaan dadka waxyeeladu soo gaartay waxay kasoo wada jeedaan hal qoys. Dhacdadaan waxaa lasoo wariyey fiidkii Arbacada, 8-da July, 2020. Gacan ku dhiiglaha waxaa lasoo wariyey in uu goobta ka cararay.

Illaa iyo haatan ma cadda sababta ku qasabtay ruuxaan in uu ku kaco falkaas oo laga soo tabiyey degaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim oo caasimadda Soomaaliya kaga beegan jihada ama dhanka Koonfur Galbeed.

Fahfaahino horudhac ah ayaa soo jeedinaya "in shaqsiga geystay dil wadareedkan uu gabar ka qabay reerka, madaxana looga jiray".

"Ciidamadda dowladda oo meesha ay wax ka dhaceen gurmad ahaan u tagay ayaa xarumaha caafimaadka u qaaday dhaawacyadda, iyagoo garab ka helaya dadka shacabka ah," ayuu yiri goobjooge la hadlay GO.

Laamaha ammaanka dowlada Soomaaliya ayaanan wali wax war ah kasoo saarin dhacdadaan, mana ka jawaabin xiriiro lala sameeyay.

Bishii May ee sanadkan 2020 ayay ahayd markii sideed dhakhtar iyo qof shacab ah si wadar ah loogu khaarijiyey duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Falkaas waxaa lala xiriiriyey xoogaga Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM