Dad isku qoys ah oo la sheegay in ay ku dhinteen qaraxii Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Fahfaahino dheeri ah ayaa waxay kasoo baxayaan khasaaraha ka dhashay qaraxii Arbacada maanta ah ka dhacay isgoyska Sayidka ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Ugu yaraan saddex ruux ayaa illaa iyo haatan waxaa la xaqiijiyey in ay ku geeriyootay falkaas, halka tirro intaas ka badan uu kasoo yeeray dhaawac.

Saalax Carab, afhayeenka maamulka gobolka Banaadir oo si kooban uga hadlay dhacdada, ayaa xusay in dadka dhintay ay kasoo jeedaan hal qoys.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee xiriirka bulshada ee Facebook ayuu ku shaaciyey in shaqsiyaadkaas ay dhinteen markii Isbitaalka la geeyay.

Sidda laga soo xigtay Mr Carab, weerarka wuxuu ahaa is-miidaamin uu fuliyey naftii halige la tuhunsan yahay in uu ka tirsan yahay ururka Al-Shabaab.

"Ruux naftii halige ah ayaa isku qarxiyay agagaarka Baar-Bulsho ee Degmada Howlwadaag. gaar ahaan suuq yaraha Sayidka. Waxaa ku dhaawacmay 6 ruux oo 4 ka mid ah ay yihiin 1 Qoys, Inkastoo markii danbe ay Isbitaalka ku geeriyoodeen 3 ka mid ah qoyskii. Allaha u naxriisto," ayuu yiri, isagoo tacsi u diray ehelada ay ka baxeen dhamaan marxuumiinta.

Dadweynaha ayuu ku tartarsiiyey in ay gacan ka geystaan xaqiijinta xasiloonida caasimadda isla markaana ay kala shaqeeyaan laamaha ammaanka siddii loosoo qabqaban lahaa dambiileyaasha.

Qaraxaan ayaa yimid iyaddoo maalmo kahor Al-Shabaab ay burburisay qaar kamid ah Kaamirooyinka qarsoon ee waddooyinka Muqdisho, kuwaas oo gacan ka geystay in ay hoos u dhacaan falalkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM