Dad ku dhintay duufaanta ka dhacday Taiwan

Image

29 September, 2015(GO)-Dalka Taiwan waxaa ku dhintay inta la ogyahay labo qof halka ay dhaawacmeen in ka badan 300 oo ruux kadib markii ay ku dhufatay duufaant Dujuan maalintii Isniinta.

Duufaanta oo saacadiiba jaraysay 227 kilomitir ayaa waxay goysay korontadii iyadoo hakad galisay safaraddii hawada iyo kuwii tareenada.

In ka badan 650,000 oo qoys iyo xarumo ganacsi ayaa weli koronto la'aan ah ka dib markii duufaantu gudubtay, halka ugu yaraan 180,000 qoys aysan haysan biyo.

Labada qof ee dhintay ayaa mid waxa uu yahay qof da' ah halka midka kalana uu yahay qof ka shaqeynayay goob dhismo.

Inta badan dadka ku dhaawacmay duufaanta ayaa waxaa soo gaaray dhaawacya fudud.

Duufaanta ayaa daciiftay kaddib markii ay gaartay dhulka qaleylka ah maalintii Isniinta, iyadoo aroortii hore ee saaka oo Talaada ahna duufaantu ka gudubtayba Taiwan, isla markaana abbaartay dhankaa iyo koonfurta Shiinaha, waxaana dalkaasi soo saaray digniintii ugu cuslayd.

GAROWEONLINE

Related Articles

Farmaajo: Xasan Sheekh waa inuu maalmaha u haray ku dhawaaqaa nidaam doorasho oo loo dhan yahay

Farmaajo ayaa maamulka hadda jira ku eedeeyay inuu ku xadgudbayo xorriyadaha dastuuriga ah iyo xorriyadda hadalka.

  • Soomaliya

    08-05-2026

  • 07:51PM

Dowladda Soomaaliya oo War Cusub kasoo Saartay Kiiska Sacdiya Bajaaj ee Muqdisho Lagu Xiray

Dhanka kale, hay’adda Amnesty International ayaa hore ugu baaqday dowladda Soomaaliya in si shuruud la’aan ah loo sii daayo Sacdiya.

  • Soomaliya

    07-05-2026

  • 08:13PM